Fariinta Xoghayaha Guud Maalinta Caalamiga ah ee Nabad ilaaliyayasha QM 2018

1 Jun 2018

Fariinta Xoghayaha Guud Maalinta Caalamiga ah ee Nabad ilaaliyayasha QM 2018

Bishii May 29-keedii, 1948, Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ogolaaday howlgalkii ugu horeeyay ee nabad ilaalin –  Hey,ada gormeerka xabad joojinta Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe.

Sanad guurada 70-aad, waxan muujineynaa mahadnaqa in ka badan hal milyan oo rag iyo dumar ah kuwasoo ka hoos shaqeeyay calanka QM, iyagoo badbaadiyay nafaf badan.

Waxaan sharfeynaa in ka badan 3,700 koofiyo buluugta kuwaso bixiyay qiimaha ugu dambeeyay.

Sidoo kale waxan bogaadineynaa afar iyo tobanka howlgal ee sida hagar la,aanta ah uga shaqeynaya ilaalinta dadka iyo hormarinta ilaha nabada.

Sanadkan, Maalinta Caalamiga ah ee Nabad ilaaliyayasha Qarmada Midoobay waxan joogi doonaa dalka Maali si aan u muujiyo midnimada asxaabteyda shaqada kuwasoo wajahaya dhaawacyo badan iyo tiro jahwareero ah.

Maadama aan aqoonsaneyno dhaxalka adeega iyo nafhurnimada guud ahaan dunida, waxaan sidoo kale iga go,an inaan talaabo u qaado nabad ilaalinta — talaabo badbaadineysa howlgalkeena isla markaana wax ku ool ah caqabadaha deeganka maanta.

Waxa sidoo kale naga go,an dib-u-xoojinta muhiimada dowrka ay ciidamadeena ka ciyaaran kor u qaadida xaquuqda aadanaha iyo la tacaalida dhiigmiiradka galmada iyo xadgudubka.

Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay waa maalgashi la xaqiijiyay nabad aduunka, amaanka iyo barwaaqada.

Si wadajir ah, aan u ballanqaadno inaan samayno waxkasta oo aan awoodno si howlgalka u guuleysto.

Mahadsanidiin.

Article type