Qaybaha Caafimaadka iyo Tignoolajiyada Furimaha Hore ee UNSOS ayaa ku guuleystey Abaalmarinta Xoghayaha Guud ee 2023 ee waaxda isbedelka QM 2.0
Muqdisho – Qaybaha Tignoolajiyada furimaha hore iyo Caafimaadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ku guuleystay abaalmarinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2023 ee waaxda isbedelka QM 2.0, iyadoo la aqoonsadey mashruuca hal-abuurka leh ee tijaabada ahaa ee fogaan-bixinta daryeelka iyo adeegga caafimaadka, oo ay barbar socdeen toddobo hawlgal oo kale.
Wadashaqeyn dhexmarta Waaxda Taageerada Hawlgalka ee Qaramada Midoobay iyo Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Tignoolajiyada (OICT), ayuu hindisahan abaal-marinta heley, raadinayaa in kor loo qaado helitaanka iyo tayada daryeelka caafimaadka ee nabad-ilaalinta iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah ee dhijitaalka ah, oo muhiim u ah daaweynta iyo daad-gureynta dhaawacyada.
Mashruucan fogaan-bixinta daryeelka iyo adeegga caafimaadka (Telemedicine) waxa uu ka kooban tahay isticmaalka isgaarsiinta elegtarooniga ah iyo macluumaadka teknoolojiyada oo ay ka midyihiin in si muqaal ah la isu waco, Fariimo la isu diro iyo isticmaalka mobileka, si loo bixiyo adeegyada daryeelka caafimaadka iyadoo lakala joogo meelo kala fog. Waxay u sahleysaa bukaanada inay la tashadaan xirfadlayaasha daryeelka caafimaad oo ay helaan talo caafimaad, si au ula socdaan caafimaadkooda iyaga oo aan la kulmin ama tagin xarun caafimaad.
Iyadoo la isticmaalayo Mashruucan fogaan-bixinta daryeelka iyo adeegga caafimaadka (Telemedicine), shaqaalaha caafimaadka ee safka hore waxay awoodaan inay helaan taageerada shaqaalaha takhasuska u leh kiisaska adage e ay la kulmaan iyagoo helaya hagidooda iyaga oo aan joogin goobtii dhacdada ama xarumaha caafimaad ee hoose.
Mashruucan waxuu hoos yimaadaa Barnaamijka Iskaashiga Saddex-geesoodka ah (TPP), kaas oo isu keena Xoghaynta, Wadamada ay Ciidamada iyo Bilayska ka joogaan, iyo Dawladaha taageerada bixiya.
Sargaalka Caafimaadka ee UNSOS, Dr. Robert Ayella iyo Madaxa Qaybta Tignoolajiyada Furimaha hore ee UNSOS (FTS), Paul Gimsay ayaa soo dhaweeyay abaalmarinta, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay codka kalsoonida oo dardar gelinaya qaybaha kala duwan.
Wareysi ku saabsan micnaha abaalmarinta ayuu Dr. Ayella yiri, "Waad ogtahay, waxay la mid tahay qof ku leh waad ku mahadsan tahay waxaad samaysay."
"abaalmarintan nala siiyey, waa aqoonsiga saameynta shaqooyinkii iyo adeegii aan gaarsiiney macaamiisheena. Ka Qaybta caafimaad ahaan runtii aad baan ugu mahadcelineynaa abaal-marintan annagoo kaashanayna asxaabteena ka socota FTS," ayuu raaciyay.
Dhiniciisa, Mr. Gimsay ayaa sheegay in aanu la yaabin abaal-marintan, marka loo eego taageerada baaxadda leh ee ay ka heleen hoggaanka hawlgalka, helitaanka tignoolajiyada cusub ee taageeraya hirgelinta mashruuca, dhiiranaanta kooxda iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee wanaagsan ee kala dhaxeeya macmiisha.
"Abaalmarinta waa Sharaf, ka shakhsi ahaan, aniga oo ku hadlaya magaca asxaabtayda-xubnaha kooxdan wanagsan, kuwaas oo si hagar la'aan ah u shaqeeyay, waxaan ku faraxsanahay in aan la xiriiro mashruucan," ayuu yiri Mr. Gimsay.
Marka la eego duruufaha adag ee inta badan ka jira Soomaaliya, UNSOS Qaybaha Caafimaadka iyo Tignoolajiyada furimaha hore ayaa bilaabay tijaabinta mashruuca Telemedicine sannadkii hore, si kor loogu qaado bixinta adeegyada caafimaadka ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, shaqaalaha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo sidoo kale. Qandaraaslayaal caalami ah iyo kuwo heer qaran ah.
Mashruucan oo beegsanayo dadka ka faa’ideysanaya, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog fog oo inta badan ay adag tahay in la gaaro, ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu tijaabiyay Muqdisho iyo laba deegaan oo kale oo kala ah Jowhar oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Kismaayo oo ka tirsan Jubbaland, ka hor inta aan lagu ballaarin Baydhabo, Koofur Galbeed iyo Beledweyne, Hirshabeelle.
Isbedelka QM 2.0 (The UN 2.0 Quintet of Change) waa xirfado ay Qaramada Midoobay diiradda saarayso si ay si wanaagsan u taageerto xubnaheeda iyada oo loo marayo isku-dhafka xoogga leh ee hal-abuurka, xogta, dhijitaalka ah, odoroska iyo xirfadaha sayniska iyo dhaqanka.
Sannad kasta, Xoghayaha Guud waxa uu sharfaa oo uu aqoonsadaa waxqabadka muuqda ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, kuwaasoo qabta shaqo ka baaxad weyn waajibaadkooda shaqo ama bilaabay oo hirgeliyey mashaariic saameyn weyn leh iyo hal abuur cusub.
Abaalmarintu waxay xoojinaysaa ballanqaadka UNSOS ee wadista hal-abuurnimada xaqiijineysa badbaadada iyo wanaagga nabad-ilaaliyayasha.