UNSOS ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed Udiyaarineysa Si ay Raashin Ugu keenaan
Muqdisho – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa maanta oo Khamiis ah qabtay tababar lagu diyaarinayey ganacsiyo ay Soomaalidu leedahay si ay ugu tartamaan qandaraasyada Qaramada Midoobay ee keenista raashinka.
Tababarka oo ay ka soo qeyb galeen ugu yaraan 50 shirkadood oo maxali ah ayaa waxaa fududeeyay UNSOS iyo waaxda Qaramada ee taageerada hawlgalada. Waxay ujeedadiisu ahayd in lagu wargeliyo Ganacsatada shuruudaha qandaraasyada Qaramada Midoobay si kor loogu qaado awooddooda tartamida. Wuxuuna ahaa tababarkii ugu horeeyay ee abid laqabto oo khuseeya mowduuca raashin keenista oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo UNHQ.
Tababarka ayaa ujeedadiisu ahayd in kor loogu qaado wacyiga ganacsatada maxaliga ah iyada oo la raadinayo aragtidooda ku saabsan hababka Qaramada Midoobay si loo dhiso iskaashi adag.
Fabio Mevoli, oo ah Sarkaalka ku sii simaha (OiC) Madaxa Waaxda maamulka adeega ee UNSOS, ayaa sheegay in tababarka sidoo kale looga hadlay walaaca qaar ka mid ah ganacsatada oo ku saabsan sidii loo heli lahaa shahaado tayo leh oo loogu talagalay raashiinka.
“Waxaan leenahay Xafiiska Soomaaliya ee Qiimeynta(SOBS) halkaas oo ay ka heli karaan shahaado shaybaar. Waxa kale oo jira xafiisyo kale oo ay cadeymo siisey SOBS oo ay Ganacsatadu ka heli- karaan baadhitaanka shaybaadhka,” ayuu yidhi Mevoli.
Madaxa wax soo iibsiga ee UNSOS, Bruno Hussein Maboja, ayaa sheegay in tababarku uu qayb ka yahay la shaqaynta joogtada ah ee Ganacsatada maxaliga ah si ay ula wadaagaan aqoonta ku saabsan hababka wax iibsiga ee Qaramada Midoobay.
Waxa uu intaa ku daray in tababarku uu kor u qaadi doono awooda tartanka ganacsatada Soomaaliyeed marka ay u tartamaan qandaraasyada Qaramada Midoobay.
Masuuliyiinta Waaxda Taageerada (DOS) ee ka socda xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tababarka ganacsatada looga golleeyahay in lagu dhiso awoodda ganacsatada maxalliga ah, iyada oo lagu wargelinayo mabaadi'da badbaadada cuntada ee heer calami ee lawada aqoonsan yahay iyo kor u qaadista fahamkooda hababka wax iibsiga ee Qaramada Midoobay si ay uga qaybqaataan dalabyada mustaqbalka.
Intii uu socday tababarka ayaa shirkadaha Soomaaliyeed ee ka qeyb galayay waxaa la siiyey warbixino ku saabsan hanaanka wax iibsiga ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin u hogaansanaanta tayada iyo halbeegyada iyo isdiiwaan gelinta marinka wax soo iibsiga oo ah -Suuqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.
C/raxmaan Cabdi Aadan oo ka mid ah ka qeyb galayaasha ahna maamulaha Shirkad ka shaqeysa dhismaha oo ku taala Muqdisho ayaa sheegay in shirkadaha Soomaalida ay hadda diyaar u yihiin in ay u tartamaan qandaraasyada Qaramada Midoobay.
“Hawl-fududeeyayaashu waxay nala wadaageen sida uu u shaqeeyo hannaanka wax-soo-iibsiga ee UNSOS, ilaalinta tayada iyo sida ay u jecel yihiin inay arkaan qandaraasleyaashu inay qabtaan arrimaha saadka iyo ilaalinta tayada. Waxa kale oo aanu ka faa’iidaysanay aqoonta dhinaca qaabka keydinta, rarista alaabta iyo wixii la mid ah,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.
Marwo Nuura Cabdalla Maxamed, oo u shaqeysa shirkad ka shaqeysa saadka, ayaa muujisay sida ay shirkadeeda diyaar ugu tahay inay u tartanto qandaraaska Qaramada Midoobay ee bixinta raashiinka.
"Waxa ugu muhiimsan ee laga qaadanayo tababarkan waa inaan wax barano oo aan korno anagoo baraneyna dad badan oo aan kala faa’iideysano. Waxaan la kulannay ganacsato kale, alaab-qeybiyeyaal iyo kooxda UNSOS. Ma aha ku guuleysiga tartanka ama helitaanka qandaraaska, Laakin isbarashada dadka ayaa laftirkeeda ah fursad,” ayay tiri Ms Nuura.
Sebi Jose, Madaxa UNSOS ee Qaybta Raashinka, ayaa shaaca ka qaaday in hay'adda Qaramada Midoobay ay raadinayso inay qandaraas ku siiso ganacsatada maxalliga ah alaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin buskut, baasto, burka qamadiga, bariiska, saliidda cuntada, sonkorta, iyo timirta. Raashinkan ayaa loogeyn doonaa ciidamada amaanka Soomaaliya ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Beledweyne, Dhoobley iyo Kismaayo.
Waxaan ka filaynaa Ganacsatadu inay alaabta soo helaan, oo ay meel dhaw ka soo iibiyaan, keenaan gudaha oo ay u kala qaybiyaan meelaha loogu talagalay. Habkaas, waxuu taageeri doontaa dhaqaalaha maxalliga ah, waayo waxaa laga iibiniyaa gudaha, waxaa qaadaya gaadiidka gudaha," ayuu yiri Sebi.
Agaasimaha UNSOS, Ms. Qurat Ul-Ain Sadozai, ayaa u xaqiijisay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka go'an tahay UNSOS inay abuurto iskaashi ay la yeelato shirkadaha maxaliga ah iyo kordhinta ka qaybgalka hababka wax iibsiga ee Qaramada Midoobay.
“UNSOS waxaa ka go’an inay taageerto wax soo iibsiga maxalliga ah iyo bixinta macluumaadka si loo xoojiyo ka qaybgalka ganacsatada maxalliga ah. Si wada jir ah, ma ahan oo kaliya soo iibinta alaabo iyo adeegyo, waxaan dhisaynaa aasaaska Soomaaliya oo barwaaqo iyo nabad ah,” ayay tiri Ms. Qurat-ul-Ain.