Ganacsiyo ay haween Soomaaliyeed leeyihiin oo loo diyaariyay ganacsi-la-sameynta Qaramada Midoobay

23 Nov 2023

Ganacsiyo ay haween Soomaaliyeed leeyihiin oo loo diyaariyay ganacsi-la-sameynta Qaramada Midoobay

Muqdisho – Faadumo Sheekh Cali, oo leh labo shirkadood oo dalka oo idil ka hawlgala kana shaqeeya wax-soo-saarka beeraha iyo calafka xoolaha ayaa ku rajo weyn inay fursado ganacsi ka hesho Qaramada Midoobay, ka dib markii ay ka qeybgashay tababar lagu awoodsiinayay haweenka Soomaaliyeed ee ganacsada si ay ganacsi ula sameeyaan QM.

Waxay ka mid ahayd 100 haween ganacsato ah oo ka qeybgalay tababar hal maalin socday oo loo qabtay ganacsiyo ay haween leeyihiin kaas oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Tababarka hal-ku-dheggiisa wuxuu ahaa – ‘Sida ganacsi loola sameysto UNSOS’.

Haweenkan ganacsatada ah oo badankood dhallinyaro ah ayaa fursad u helay inay ka dhageystaan mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan UNSOS, khubaro ka tirsan qeybta iibka ee QM iyo mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka, talooyin ku saabsan hannaanka ganacsi la sameysashada QM iyo faa’iidooyinka iyo fursadaha ee ay arrintani leedahay.

“Waxaan ganacsigayga ka soo billaabay sagxadda, balse waxaan hadda leeyahay shirkado si buuxdo u diiwaangashan xirfad sarena leh kuwaas oo canshuur bixiya isla markaasna shaqo abuur u sameeyay in ka 15 shaqaale,” ayay tiri Faadumo ka dib markii ay ka qeybgashay siminaarka uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo la kaashaday Wasaaradda Gancsiga iyo Warshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan ka qeybgalay siminaarkan sababtoo ah waxaan hadda fahmay sida ganacsi loola sameeyo UNSOS iyo sida loo codsado qandaraasyada. Madashu waxay fursad noo siisay inaan talooyin ka dhageysanno shaqaalaha QM iyo inay na siiyeen talooyin iyo hagitaan ku saabsan sida ugu wax-ku-oolsan ee aan uga qeybgali karno ugana faa’iidaysan karno nidaamyadooda qandaraas-bixineed.

Shuruucda iyo nidaamyada qandaraas-bixineed ee QM waa kuwo aalaaba yara kakan farsamo ahaan, sidoo kale waqti badan qaata sababo la xiriira dukumintiyada tirada badan sida shatiyada iyo waayo-aragnimo hore ee la isaga baahan yahay. Balse siminaarradan waxay gacan ka geystaan fududeynta hannaanka qandaraasyada ee loogu talagalay shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe sida kuwa Faadumo oo kale marka ay codsadanayaan una tartamayaan qandaraasyada.

“Sharaf ayay xaqiiqdii ii tahay iyo farxad inaan mar kale isu nimid ka hor inta uusan sanadka dhammaan si aan ahmiyad gaar ah u siinno haweenka ku jira ganacsiyada idinna abuurno jawi karaan dhisid ah iyo madal aad nagula xaajoyn kartaan, una sahamin kartaan sida aad ganacsi noola sameyn kartaan,” ayay tiri Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ahna Madaxa UNSOS, oo xafladda qaab fogaan-arag ahaan uga qeybgashay ayadoo ku sugan dalka Rwanda, iyadoo haweenka Soomaaliyeed ee ganacsiyada leh u xaqiijisay taageerada UNSOS.

“Waxaan rumeysannahay in doorka haweenka uu muhiim u yahay xaqiijinta in barwaaqada Soomaaliya iyo horumarka ay sii socdaan iyadoo dalku uu sii wado inuu la tacaamulo qandaraaslayaal kala duwan iyo halbuurayaal ganacsi,” ayay tiri Ku Simaha Madaxa UNSOS ahna Agaasimaha Taageerada Hawlgalka, Qurat-ul-Ain Sadozai.

“Ujeeddada ugu muhiimsan waa in la awood siiyaa isla markaasna la dhisaa bulsho adkaysi leh, waxaana higsigan lagu gaari karaa ka qeybgalin dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Doorka haweenka aad ayuu muhiim u yahay, ka QM ahaan, waxaa naga go’an inaan haweenka isku keenno isla markaana xaqiijinno inay helaan fursadaha ay qeyb uga noqon karaan hayaankan aaan fulinaynno,” ayay raacisay, iyadoo carrabka ku adkeysay in ujeeddada laga lahaa siminaarka ay ahayd xaqiijinta in haweenka ganacsatada ah ay helaan fursado gancsi oo la mid ah kuwa ay ganacsatada kale helaan si ay u bullaalaan una hormaraan.

Taageeridda Ganacsiyada ay Haweenku leeyihiin

UNSOS waxaa ka go’an kordhinta ka qeybgalinta Ganasiyada ay haweenku leeyihiin qandaraasyadeeda la xiriira badeecadaha iyo adeegyada.  Sidaas awgeeed, Xafiiska Maareynta Saadka waxaa ka go’an inuu sii wado taageeridda iyo horumarinta dadaallada dhiirrigelinaya hadafkan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Saney ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed adkaysigooda iyo xirfadahooda hal-abuureed iyo inay door muhiim ah ka ciyaareen dhisidda qaranka.

“Soomaaliya waxay leedahay taariikh qani ah oo ku saabsan ganacsiga, iyadoo haweenka ay door muhiim ah ka cayaaraan guusha qeybaha kala duwan ee ganacsiyada. Marka laga soo  tago caqabadaha haweenka Soomaaliyeed ay kala kulmeen bulshadan, adkaysigooda iyo ka go’naanshahooda ayaa sii muuqanaya iyagoo sii wada inay jabiyaan xayndaabka ka saarnaa aduunka ganacsiga. Hase ahaatee, wali waxaa jira firaaq jnsi oo wayn marka ay timaaddo fursadaha dhaqaale iyo gaarista khayraadka,” ayuu yiri Agaasime Saney.

Bruno Hussein Maboja, Sarkaalka UNSOS u qaabilsan qandaraasyada ayaa u sharraxay haweenka halabuurka leh hannaannada kala duwan ee iibka QM, sida loogu hoggaansamo shuruucda QM ka dibna wuxuu ka jawaabay su’aalo ay ka qeybqaatayaasha waydiiyeen. Wuxuu ku dhiirrigeliyay haweenka inay ganacsiyadooda ka diiwaangaliyaan UN Global Marketplace, oo ah adeeg onlayn oo  dhammaan 29-ka hay’adood ee QM ay ku soo dhejiyaan qandaraasyadooda.

“Waxaa jirta rajo weyn iyo dhiirrigelin ka timid ka qeybqaatayaasha. Ka UNSOS ahaan waxaan diyaar u nahay inaan ka caawinno haweenka inay horumar sameeyaan iyo inay helaan fursadaha ay raadinayaan si ay ganacsiyadooda u ballaariyaan,”ayuu yiri Maboja.

Siminaarka ayaa ahaa oofin ballan hore oo bishii Agosto ay UNSOS ballanqaadday qabashada madal haweenka ganacsatada ah oo kali ah u gaar ah si loo dhiirrigeliyo ka qeybgalinta ganacsiyada haweenka ay maamulaan.

Sahra Shariif Daa’uud, oo ka soo safartay caasimadda Koonfur Galbeed ee Baydhabo si ay uga qeybgasho siminaarka ayaa rajo fiican ka muujisay in ganacsiyada ay haweenku leeyihiin la siin doono tixgelin gaar ah, lagana caawin doono inay la tartamaan ganacsiyada ay ragga maamulaan.

“Siminaarkan aad ayuu muhiim noogu ahaa haddii aan nahay haweenka ganacstada ah. Waxaan barannay hannaannada kala duwan ee codsiyada qandaraasyada ee QM. Shirkaddaydu waxay ka diiwaangashan tahay QM, haatanna waxaan helay aqoon dheeraad ah, waxaana rajeynayaa inaan codsado qandaraasyada UNSOS si aan u bixiyo adeegyada aan hayo, waana ku hammi wayn nahay mustaqbalka shirkaddayda,” ayay raacisay ayadoo dhoollacaddeyneysay.

Article type