UNSOS waxay shaqaalaha amniga Soomaaliyeed ku tababaraysaa nidaamka isgaarsiinta casriga ah

5 Aug 2024

UNSOS waxay shaqaalaha amniga Soomaaliyeed ku tababaraysaa nidaamka isgaarsiinta casriga ah

Muqdisho - Iyadoo ay sii kordhayaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa taliyayaasha Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF) ay rajo ka muujinayaan qalabka isgaarsiinta gacanta ee cusub ee ay heleen si ay ula xiriiraan shaqaalahooda, isla markaana isku duba ridaan howlahooda.

Xasan Khaliif Cali Cabdi oo ah askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay muhiimadda qalabkan uu u leeyahay in taliyeyaasha ay la socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa lugeynaya ama Gaadiid saaran. 

“Tignoolajiyada isgaarsiinta ayaa maalin walba sii hormareysa, waxaana u baahannahay in aan la socono horumarradii ugu dambeeyay," ayuu yiri Hassan, oo ka mid ah 20-ka askari oo ka tirsan Ciidanka amaanka  Soomaaliya oo loo soo xushey in ay ka qeybgalaan tababar shan maalmood socday oo ku saabsanaa xiriirinta muhiimka ah ee qalabka Motorololaha oo ka dhacay Muqdisho.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya-waaxdeeda tignoolajiyada furimaha hore (UNSOS-FTS) ayaa qeyb ka ah dadaallada kor loogu qaadayo tayada iyo u diyaarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) si ay ugula wareegaan Waajibaadka amni  Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS).

Madaxa UNSOS-FTS, Paul Gimsay, ayaa sheegay in tababarka diiradda lagu saaray fikradaha nidaamyada isgaarsiinta Motorolaha iyo la-talinta si ay awood ugu siiso ciidanka XDS iyo kuwa booloska soomaaliyeed inay dhistaan awoodda farsamo ee looga baahan yahay isticmaalka qalabkan.

“Ujeedadu waa in kor loo qaado awoodda farsamo ee ay leeyahiin CXDS si ay u rakibtaan, una isticmaalaan isla markaan udayactirtaan  nidaamyadooda. CXDS waxay awood u yeelan doonaan inay si madax bannaan ugu isticmaalaan Muqdisho iyo qaybaha leh isgaarsiinta MOTOTRBO,” ayuu raaciyay Gimsay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa hadalkiisa ku soo koobay erayadii Gimsay, isaga oo uga mahadceliyey UNSOS wadashaqeynta iyo taageerada ay CXDS la garab taagan tahay oo ay ka midyihiin tababarrada xirfadaha iyo bixinta agabyada muhiimka ah.

“Tababarrada iyo qalabeynta ciidamada amaanka Soomaaliya waxa ay sahashay oo wanaajisay xaalada shaqada iyo wada shaqeynta ciidamada XDS iyo booliiska. Waxaan UNSOS uga mahadcelinaynaa taageeradan la taaban karo ee ay na siisay xilligan xasaasiga ah oo isbedello badan uu ka dhacayo gudaha ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri S/Gaas Ibraahim.

S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee isgaarsiinta ay ka ciyaarto howlgallada ciidamada, isagoo intaa ku daray in tayaynta ciidanka XDS ay sare u qaadi doonto isku xirka iyo waxtarka howlgallada  ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Marka laga reebo saadka kale ee aan helno, baahidayada ugu weyn waa isgaarsiinta. Ciidamadu waxay ku hawlan yihiin weerarro joogto ah, haddii aan la helin qalab isgaarsiineed oo habboon si loo fududeeyo isuduwidda, waxaa laga yaabaa in howlgalladu fashilmaan, aad ayaan uga mahadcelineynaa UNSOS qalabka isgaarsiinta," ayuu yiri S/Guuto. Sulub.

Ka-qaybgale Xasan Muxidiin Maxamed ayaa u mahad-celiyay UNSOS, isagoo sheegay in tababarka ay ka heleen xirfadaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah isku-dubbaridka dadaallada ka-hortagga dambiyada.

"Waxaan bartay sida loo cilad bixiyo qalabka isgaarsiinta Motorola, marka waxaan diyaar u ahay caqabad kasta oo iman karta. Waxaan 24 saac ka shaqeynaa hawlaha amniga, mar walbana waxaan ku jirnaa heegan,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed, Taliye Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sida laga soo xigtay Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee UNSOS, Qurat Ul-Ain Sadozai, isgaarsiintu waa udub dhexaadka dhammaan hawlgallada dagaal, UNSOS waxay si joogto ah ugu qalabaynaysaa CXDS xirfadaha la xidhiidha macluumaadka tignoolajiyada, oo ay ku jiraan ku shaqaynta idaacadaha xawaaraha sare leh.

“Laga soo bilaabo 2019, in ka badan 400 oo ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa la baray culuum kala duwan oo la xiriirta tignoolajiyada, maareynta xawaaraha raadiyaha, wadashaqeynta iyo waxyaabo kale,” ayay tiri Ms. Qurat.

Qalabka isgaarsiineed ee Motorola waxa lagu soo iibiyay Sanduuqa taageerada Soomaaliya oo ay maamusho UNSOS. UNSOS waxay hadda siisaa taageero saadka oo aan halis ahayn 20,900 oo askari oo ka mid ah ciidanka amaanka Soomaaliya kuwaas oo hawlgalo wadajir ah la fuliya ciidamada Midowga Afrika.

Article type