Hawlwadeennada deegaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu tababaray isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si loo dhimo isbaddalka cimilada
Baydhabo – Si loo xoojiyo dadaallada lagula tacaalayo isbaddalka cimilada iyo nabaadguurka, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada Koonfur Galbeed ku tababaray isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado arrimaha beeraha si ay u cirka uga soo tuuraan dhoobo ay miro abuur ku jiraan.
Tababarka takhasusiga ah, oo socday saddex maalmood, laguna qabtay magaalada Baydhabo, ayaa mas’uuliyiinta ka socday wasaaradda deegaanka baray xirfado la dabaqi karo iyo aqoon la xiriirta isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee leh awoodda sixidda inay dhoobooyinka miraha abuurka ku daaadiyaan deegaannada ay adag tahay in la gaaro.
Idil Muuse, la taliyaha farsamada ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xirfadaha cusub ee la bartay ay si wayn sare ugu qaadi doonaan awoodda wasaaradda ay ku hirgelinayso mashaariic waa wayn oo dib deegaanka loogu dhiireynayo, waxayna uga mahadcelisay UNSOS dadaalka wanaagsan.
“Tababarka aad ayuu u saameyn badnaa; wax badan ayaan ka kororsannay,” ayuu yiri Maxamed Jaamac, sarkaal qaabilsan arrimaha deegaanka kana tirsan UNSOS, oo isna ka qeybgalay tababarka.
“U isticmaalidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn daadinta dhoobooyinka ay miro abuurka ku jiraan waxay sare u qaaddaa cagaareynta, waana farsamo nagu cusub. Waxaan garowsannahay sida isbaddalka cimilada uu u saameeyey Soomaaliya, waxaana ku faraxsannahay inaan kasbannay xirfado cusub oo aan bulshooyinka isbaddal uga dhalin karno,” ayuu raaciyay Maxamed.
Christine Wachira oo ka socotay Qeybta Teknolojiyada Hawlgalka ee UNSOS ayaa sheegtay in qeybta ay horey u bixisay tabbar la xiriira sida loo hawlgaliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si sare loogu qaado waxtarnimada hawlgaleed ee ciidanka, waxayna qeybta haatan ballaarisay baaxadda tababarka, iyadoo haatan taageerayso dadaallada deegaanka.
Tababarka oo ay fulisay Qeybta Deegaanka, oo hoos tagta Xafiiska Agaasimaha Taageerada Hawlgalka iyo Unugta Nidaamka Macluumaadka Jiquraafiga ee hoos taga Qeybta Teknolojyada Hawlgalka, ayaa lagu qaatay mawduucyo kala duwan oo la xiriira isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida qorshaynta duulista, maareynta miro abuurka la safrinayo iyo dayactirka.
Ka qeybqaatayaasha ayaa helay waayo-aragnimo i-tus-i-taabsii ah oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo barashada iyo hababka bedqabka si loo xaqiijiyo in diyaaradaha looa deegsado si mas’uuliyad iyo waxtarnimo leh.
Sida uu sheegay Richard Oyoo, Madaxa Qeybta Deegaanka UNSOS, u istcimaalidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn hawlgallada daadinta miro abuurka ayaa laga filayaa inay si wayn u xoojiso dadaallada dib lagu dhireynayo deegaanka, kuwaas oo aalaaba ah hawl adag waqti bandanna qaata marka gacanta laga fulinayo.
“Iyadoo la eegayo xaaladda amniga Soomaaliya, waxaan ku qasbannaanay inaan la nimaadno habab halabuur leh oo geedo lagu abuuri karo, laguna daryeeli karno deegaanka. Waxaan la nimid fikraddan aan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsaneynno inaan ku daadinno dhoobooyinka miro abuurka annagoo bartilmaameedsaneynna deegaannada aan la gaari karin,” ayuu yiri Dr Oyoo.
Wuxuu carrabka ku adkeeyey ahmiyadda in teknolojiyada loo adeegsado sida qeyb ka mid ah dadaallada guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee lagu dhimayo waxyeellada wasaqaynta hawada ee ka imanaaysa isticmaalka matoorrada naaftada, isla markaasna lagu yareynayo saameynta taban ee hawlgalladeeda Soomaaliya iyadoo sare loo qaadayo dadaallada geedo abuurka iyo xoojinta tamarta dib loo cusbooneysiin karo.
Barnaamijkan oo haatan tijaabo ah ayay UNSOS kala bahowday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ee Koonfur Galbeed in la isticmaalo diyaarado aan duuliye lahayn si miro abuurka loogu daadiyo deegaanno ballaaran oo ay adag tahay in la gaaro.
Habkan ayaa sidoo kale saamaxaya in la daadiyo miro abuur kala duwan, si loo horumariyo deegaanka iyo dib u cagaareynta iyo abuurka noocyadiisa kala duwan,” ayuu sharraxay Dr Oyoo.
Miraha ayaa lagu dahaaraa dhuxul lagu qasay bacrimiyayaal. Dahaarka dhuxusha ayaa ka ilaalinaya miraha inay cunaan cayayaanka iyo shimbiraha. Marka dhoobooyinka miraha lagu daadiyo deegaannada bartilmaameedka, xilliga uu roobka yimaado, dahaarka dhuxusha ayaa dhaqma taas oo dibadda u soo saareyso miraha si ay u kobcaan.
Diini Cabdinuur Maxamed, Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ee Koonfur Galbeed ayaa xoojiyay ahmiyadda in teknolojiyad lagu dabaqo dadaallada lagu dhawrayo deegaanka, gaar ahaan Soomaaliya.
“Koonfur Galbeed waxay ka mid tahay gobollada sida taban uu u saameeyey isbaddalka cimilada. Inaan qeyb ka noqonno tababarkan halabuurka leh ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la adeegsanayo, kuwaas oo ugu danbeyn loo adeegsanayo in lagu abuuro geedo si loo xoojiyo dhiraynta deegaannadeeda waa arrin aad u wayn, haddii aanan dhayalsan,” ayuu yiri wasiirka.