Dawlada Mareykanka ayaa $2 Milyan ugu Deeqdey Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Sanduuqa horumarinta Soomaaliya

5 Sep 2023

Dawlada Mareykanka ayaa $2 Milyan ugu Deeqdey Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Sanduuqa horumarinta Soomaaliya

Muqdisho – Dawlada Mareykanka ayaa $2 Milyan ugu Deeqdey Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ee Sanduuqa horumarinta Soomaaliya si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. UNSOS waxay taageertaa howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah al-Shabaab ee ay wadaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Deeqdan ayaa lagu maalgelin doonaa gaadiidka loo isticmaalayo daaweynta iyo daadgureynta dhaawacyada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS.

"Waa muhiim in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageero gaadiid oo xooggan ee ay ubaahanyihiin si ay ooga adkaadaan Al-Shabaab ayuu yiri Shane Dixon, oo ah Ku simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. "Waan ku faraxsanahey in aan taageerno Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya oo aan wadaagno hadafka ah horumarinta nabadda." UNSOS waxaa hadda loo igmaday in ay taageero saad siiso 15,900 askari oo ka tirsan Ciidamda Amaanka Soomaaliya.

“Deeqdan waxay ku soo beegantay waqti ku habboon, waxayna si togan u saamayn doontaa hawlaheenna ku aaddan bixinta taageerada saadka ee degdegga ah ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Taageeradan waxaa waajibiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana mudnaanta waxyaabaha lagu fulinayo taageeradan dejisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayay tiri Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa UNSOS.

###

Article type