Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo soo gaba gabeeyay booqashadii uu ku joogay Soomaaliya isagoo u ballan qaaday Taageerada UNSOS ay siineyso ciidamada Ammaanka Soomaaliya

7 Sep 2023

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo soo gaba gabeeyay booqashadii uu ku joogay Soomaaliya isagoo u ballan qaaday Taageerada UNSOS ay siineyso ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Muqdisho – Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Atul Khare, ayaa maanta oo Talaado ah soo gabagabeeyay booqasho afar maalmood qaadatay oo uu ku joogay Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu awoodiisa isugu gayn doono sidii ciidamada ammaanka Soomaaliya ay u  awoodi lahaayeen  inay si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadaha amniga iyadoo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay si tartiib tartiib ah uga baxayaan wadanka.

Atul Khare waxa uu carabka ku adkeeyay si si guul leh loogu guuleysto kala guurka – sida ay rajaynayaan Midawga Africka iyo Qaramada midoobey – waa in ciidamada amniga Soomaaliya ay si buuxda mas’uuliyada amniga ugala wareegaan Howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyaga oo gacan ka helaya hayada Qaramada midoobey ee UNSOS.

"Si kala guurka uu uguuleysto waa in mas'uuliyadaha ATMIS  ay la wareegaan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya, hay'adda guud ee u adeegta labadaba waa UNSOS," ayuu yiri Khare

Axadii Khare ayaa booqasho ku tagay caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale. Iyagoo kawada hadley duullaanka militari ee socda ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, bixitaanka ciidamada ATMIS, iyo taageerada UNSOS ee bixitaanka ATMIS kadib.

“Waxaan ku kalsoonahay in hogaaminta madaxweynaha ay Soomaaliya ku guuleysan doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee isku dayaya inay carqaladeeyaan nabadda iyo amniga, isla markaana ay hor istaagaan barwaaqada dhaqaale iyo horumarka dalka,” ayuu ku yiri.

Kare ayaa ku celiyay in UNSOS ay sii wadi doonto daad gureynta dhaawacyada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee ku sugan furimaha dagaalka, isagoo intaa ku dartay in intii u dhaxeysay kawda Janaayo ilaa dhammaadkii Agoosto, la daadgureeyay 739 dhaawac ah.

"Tani waa wax aad loo ammaano, waayo daad-gureynta dhaawacyada waxay kordhisaa mooraalka Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, waxeyna kor uqaadaa waxtarkooda ay kaga hortagayaan Al-shabaab," ayuu yidhi.

Khare ayaa intii uu ku sugnaa Galmudug waxa uu booqday saldhiga Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo loo qorsheeyay in la wareejiyo Wajiga labaad ee dhimista Ciidamada ATMIS, sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 (2023).  Qaraarkaas oo ku saabsanaa bixitaanka 3,000 oo askari lana soo gabagabeeyo dhamaadka bishan.

Wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay horumarka laga gaaray dhismaha iyo xoojinta hay’adaha u xilsaaran sugidda ammaanka Soomaaliya marka ay ATMIS baxdo.

"Waxaan ku faraxsanahay in hay'adaha dowladda Soomaaliya ay isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen mas'uuliyada amniga dalka taas oo xaqiijineysa madaxbannaanidooda, si ay u hirgaliyaan waxey bilaabeen qoritaanka tiro badan oo ku biiraya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed." Ayuu yiri khare.

Khare ayaa kalsooni ka muujiyay in UNSOS ay ku socoto meel sare oo intaas ka sii badan.

“Waxaan arkay kaalmada weyn ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu u fidiyo shacabka Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya, iyo dabcan ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Asxaabta kale ee Qaramada Midoobay”. ayuu ku daray hadalkisa Talaadadii.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cumar Cali ayaa uga mahadceliyey USG Khare iyo ASG Aisa Kirabo Kacyira taageerada saadka ee ay UNSOS siineyso kala wareegida mas’uuliyadaha amniga ee socoto.

"Waan soo koreynaa, waxaana rajeyneynaa in Qaramada Midoobay ay naga caawin doonto si aan u kororno oo aan iskugu filnaanno," ayuu yiri Wasiir Cali markii uu khare ku soo dhaweynayay Soomaaliya.

Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira, ayaa uga mahadcelisay Waaxda Taageerada Hawlgalka ee QM, ee uu hoggaamiyo Khare, taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

"Waxaan u mahadcelinayaa Atul Khare taageerada qiimaha leh ee uu nasiinayo, taasoo naga caawinaysa inaan si habeysan ugu xirnaano dowladda iyo dadka Soomaaliyeed," ayay tiri Kacyira oo la hadlaysay shaqaalaha Qaramada Midoobay Talaadadii.

Khare ayaa ku booriyey in Shaqaalaha Qaramada Midoobay aysan daalin balse ay sii wadaan caawinta dadka Soomaaliyeed si ay dib ugu dhistaan una xasiliyaan dalkooda.

“Waxaan ka codsanayaa dhammaan asxaabta Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo sidoo kale bulshada rayidka ah inay gacan ka geystaan sidii loo abuuri lahaa Soomaaliya nabad iyo ammaan ah oo ay ka go’an tahay dimoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka oo ku qotonta waddada horumarka dhaqaalaha iyo barwaaqada dadka."

Madaxda kale ee Qaramada Midoobay ee wadahadalka la yeeshay USG Khare ayaa waxaa ka mid ahaa, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing; Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Ghebo iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Soomaaliya, George Conway.

Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale kulamo xiriir ah la qaatay hoggaanka sare ee ATMIS, safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, wakiillada beesha caalamka, iyo kooxaha Qaramada Midoobay ka socda iyo kuwo kale.

Diblumaasiyiinta wadahadalka la yeeshay USG Khare ayaa ka kala socday Kenya, Uganda, Ethiopia, United Kingdom, Turkey, Mareykanka, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub iyo kuwo kale.

Article type