UNSOS ayaa ammaantay taageerida horumarka qaybta duulista hawada Soomaaliya

21 May 2024

UNSOS ayaa ammaantay taageerida horumarka qaybta duulista hawada Soomaaliya

Muqdisho – Booqashadii udambeysey ee dhawaan ay ku tagey xarunta QM ee duulista hawada ee Muqdisho, ayey madaxa UNSOS, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Dr Aisa Kirabo Kacyira iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu horkacayey la taliyaha amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali dib u eegis ku sameeyeen sida ay u socoto tayeynta adeegyada duulista ee la siinayo ciidamada amniga Soomaaliya iyo shaqaalaha duulista hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa ku bogaadiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) taageerada ay ka geystaan horumarinta waaxda duulista ee dalka.

Mas’uuliyiintii kale ee joogey waxaa kamid ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Gen. Madey Nuurey Sheekh iyo agaasimaha guud ee SCAA Axmed Macalin Xasan.

Barnaamijka Awood-dhisidda Duulimaadyada, oo uu hormarinteedu hoggaamiyo Madaxa Adeegyada Duulimaadka Ernest Manzano, ayaa soo bandhigtay qaab cusub oo tababar ah oo UNSOS sameyneyso. Barnaamijku waxa uu bixiyaa tababaro, hagid, tababar shaqada dhaxdeeda ah (OJT), iyo latalinta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) iyo shaqaalaha duulista ee Soomaaliya. Waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa amniga duulista, dab-demiska madaarka, hawlgallada xeeladaysan ee ciidamada, hagidda hawada, daad guraynta caafimaadka, saadaasha hawada, iyo hawlgallada aan duuliyaha lahayn. Tababarkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii loogu diyaar garoobi lahaa wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) laguna wareejinayo ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF) iyo madaxda maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA). Ugu dambeyntii, hadafku waa in la tayeeyo ciidamada Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo haweenka ku jira duulista iyo mustaqbalka dalka.

“Dhisidda tayada aan sameyneyno way dhaafsiisantahey tababaro kaliye oo waa isbedel maskaxeed, waxaan rabnaa in aan awoodsiino ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan dhammaan mas’uuliyadda duulista” ayuu yiri Manzano.

Maynard Alvin Thomas, oo ah Khabiirka Dhismaha Awoodda ee Xarunta Tababarada Isku-dhafka ah ee UNSOS (IMTC) ayaa sheegay in ay qabteen tababaro xiriir ah oo lagu taageerayo hannaanka kala guurka ee Soomaaliya. Koorsooyinkani waxaa kamid ah calaamadeynta, qaabka wada shaqaynta, gaadiidka, caafimaadka, injineernimada, hogaaminta dagaalka iyo isgaarsiinta raadiyaha.

"Waxaan sii wadeynaa inaan bixino koorsooyin badan oo ku saleysan qiimeynta baahiyaha jira. Sannadkan waxa aanu haysanaa bartilmaameedka ugu yar ee lagu tababarayo 600 oo shaqaale ah, ayuu yidhi Maynard Alvin Thomas.

Hadalkiisa, La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay inay kordhiso ka-qeybgalka haweenka ee dhinacyada waaxda duulista iyo ciidamada qaranka.

“Xafiiskayga (la-taliyaha Amniga Qaranka) wuxuu hadda diyaarinayaa istaraatiijiyad ku Aadan haweenka, nabadda iyo amniga. Waxaan weli ku jirnaa la-tashiyo ku aaddan istaraatiijiyaddaasi, waana xilliga ku habboon in la aqoonsado doorka muhiimka ah ee haweenku ka geysan karaan horumarinta qaranka,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Agaasimaha Guud ee SCAA, Ahmed Moallin Hassan, ayaa ku bogaadiyay UNSOS taageerada ay siiso waaxda duulista rayidka ee Soomaaliya.

“Isbedelku meel wanaagsan ayuu marayaa, Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyana diyaar ayaan u nahay in Marka ay fursaduhu soo baxaan inaan siin doonaa dhalinyarada qaatay tababarka shaqo barasho oo ay qabatay UNSOS,” ayuu yidhi Mudane Axmed.

ASG Kacyira, ayaa ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iskaashiga ay la leedahay UNSOS iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta daryeelka shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan halkan u joognaa inaan u adeegno ujeeddada awood-siinta Soomaaliya si ay ugu sii socoto si sharaf leh, waxaanan mari doonnaa dariiq walba oo aan idinku taageeri karno," ayay ku nuux-nuuxsatay Dr Kacyira.

 

Article type