Fariinta Xoghayaha Guud António Guterres Ee Maalinta Qarmada Midoobay
Qaramada Midoobay waa midhihii rajada.
Rajada - iyo xallinta - ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka si looga gudbo iskahorimaadka caalamiga ah looguna gudbo iskaashi caalami ah.
Maanta, ururkayaga waxaa loo tijaabiyay si aan horay loo arag.
Laakiin Qaramada Midoobay ayaa loo sameeyay xaalado sidan oo kale ah.
Hadda, in ka badan sidii hore, waxaan u baahanahay inaan usoo nooleyno qiyamka iyo mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay ee gees kasta oo adduunka ah.
In nabada fursad la siiyo lana soo afjaro colaadaha halista ku ah nolosha, mustaqbalka iyo horumarka caalamka.
In laga shaqeynaya joojinta saboolnimada ba'an, yareynta sinnaan la'aanta, iyo samatabbixinta Yoolalka Horumarka Waara.
In la ilaaliyo qariiradeena, oo ay ku jirto joojinta isticmaalka shidaalka fosilka ah iyo bilaabista isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo.
Iyo ugu dambeyn in la isku dheelitiro miisaanka fursadaha iyo xorriyadda haweenka iyo gabdhaha iyo hubinta xuquuqda aadanaha oo dhan.
Markaan xusayno Maalinta Qaramada Midoobay, aan dib u cusboonaysiinno rajadayada iyo rumaysnaanta ah in bani'aadamku guuleysankaro marka aan wadajir u wada shaqeyno.