Hawlgalka ATMIS Ayaa Ku Wareejiyay Saldhiga Maslah Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyagoo Taageero Ka Helaya UNSOS

24 Jan 2023

Hawlgalka ATMIS Ayaa Ku Wareejiyay Saldhiga Maslah Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyagoo Taageero Ka Helaya UNSOS

Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya Saldhigga Maslax (FOB), Xaruntan oo ay ATMIS gacanta ku heysey tan iyo sanadkii 2012-kii. Wareejinta Saldhigan ayaa waxaa fududeeyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS)

Xil-wareejintu waxay ku salaysantahey Fikradda Wadajirka ah ee Hawlgallada (CONOPs) iyo Qorshaha isbadalka Soomaaliya - oo ay diyaariyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ATMIS, QM iyo bahwadaagta horumarinta si ay u hagto geeddi-socodka isbadalka.

Heshiiska xil wareejinta waxaa saxiixey Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika (SRCC), ahna Madaxa #ATMIS Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya , C/nuur Daahir Fiidow . kaasi oo ka dhacay caasimadda Muqdisho Sabtidii ina dhaaftay.

“Maanta waxay noo tahay maalin qaali ah ka Hawlgal ahaan. Saldhiga Maslax waa xaruntii ugu horreysay oo Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ay wareejiso tan iyo markii la aasaasay 1 -dii Abriil 2022, kaddib markii uu dhammaaday waajibaadkii AMISOM,” ayuu Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ka sheegay  xafladda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ergo iyo wakiillo ka socday Qaramada midoobay iyo Wadamada ciidamada ka joogaan Somalia (TCC's).

Danjire Souef ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Saldhiga Maslax uu ka qaadatay sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho, iyo fududeynta howlgallada ciidan ee Howlgalka.

“ka Juquraafi ahaan waxuu ciidamadeena awoodsiiyey in ay sugaan amaanka wadada weyn (MSR) ee isku xirta Muqdisho iyo dhulka hoostaga si loo xaqiijiyo dhaqdhaqaaq iyo badqabka badeecooyinka iyo adeegyada kale  taas oo muhiim u ah horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka,” ayuu cadeeyey.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/nuur Fiidow oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xil wareejinta ay ku soo aadeyso xilli Dowladda Federaalka ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Guulo ciidan oo aad u badan ayaa la gaaray bilihii lasoo dhaafay, waxaana dooneynaa inaan sii laba jibaarno dadaallada hadda socda, waxaana ku xisaabtameynaa taageeradiina ciribtirka Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo ku celceliyay sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay geeddi-socodka lagu xoojinayo isbadalka.

Sidoo kale shahaadadii lagu wareejinayey agabka siin ah iyo qalabkale ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS), Mr. Amadu Kamara taas oo u ogolaaneysey Dowladda Federaalka in ay la wareegto lahaanshaha qalabka ay leedahay Qaramada Midoobay ee saldhiga yaala

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Tageerada Soomaaliya (UNSOS), isagoo taageeraya isbadalka Soomaaliya, waxay siin doonaan DFS, agabka xerada yaala ee ay leedahey QM sida matoorada, iyo qalabka biyaha sifeeyo si loo joogteeyo awoodda shaqo ee saldhiga lagu wareejinayo, waa hadii aan qalabkan Looga baahneyn goobaha kale ee ay ATMIS ka hawlgasho. " ayuu yiri Mr. Kamara.

Dhankiisa, Mr. Kamara ayaa ku ammaanay dhinacyada ay khusayso sida ay geeddi-socodka ugu guulaysteen inkasta oo ay jiraan caqabado badan.

“Guusha laga gaaray xil wareejinta Maslax, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, waxay daliil u tahay rabitaanka Dowladda Soomaaliya ee ah inay guuleysato, sida ay uga go’an tahay ATMIS inay taageerto DFS, iyo taageerada hagar la’aanta ah ee UNSOS si ay u xaqiijiyaan in uu hirgalo Qorshaha isbadalka. ” ayuu yiri Mr. Kamara.

Agaasimaha UNSOS oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xafladani ay muujinayso sida ay uga go’an tahay ATMIS inay garab istaagto Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in UNSOS ay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonto si loo xaqiijiyo in si waafi ah loogu guulaysto qorshaha is badal ee somalia.

"Waxaan ku wareejin doonaa qalabkan haddii aan looga baahnayn in lagu taageero hawlgalada ATMIS ee meelaha kale," ayuu raaciyay.

Saldhigan Maslax, QM waxay ku wareejisay CXDS hal Warshad oo biyaha sifeeysa, laba matoor, ceel biyood iyo qalabyo kale oo dib loo habeeyey. Waxa kale oo ay ka dhistay albaab laga soo galo Saldhiga si loo xoojiyo ammaanka.

Shaqaalaha Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la baray ilaalinta iyo dayactirka qalabka iyadoo la raacayo mas'uuliyadda Qaramada Midoobay ee ah in raad wanaagsan looga tago Soomaaliya.

Article type