WAFDI KA SOCDA QAYBTA TAAGEERADA HAWLGALLADA NABAD EE MIDOWGA AFRIKA OO BOOQDAY SOOMAALIYA

13 Feb 2018

WAFDI KA SOCDA QAYBTA TAAGEERADA HAWLGALLADA NABAD EE MIDOWGA AFRIKA OO BOOQDAY SOOMAALIYA

Muqdisho–Wafdi ka socda Qeybta Hawlgalka Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (PSOD) ayaa ku sugan Soomaaliya si ay u qiimeeyaan hawlaha nabad-ilaalinta iyadoo xil-wareejinta mas’uuliyadaha AMISOM lagu wareejinayo ciidamada amniga qaranka Soomaaliya.

Muddada afarta maalmood ah ee ay ku sugan yihiin Soomaaliya, wafdiga oo ka kooban 10 nin ayaa waxay wadahadallo la yeelan doonaan madaxda ugu sarreysa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Danjirayaasha Dalalka Ciidamada Ku Biiriyay (TCCs).

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin howlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray iyo caqabadaha laga soo maray sugidda amniga Soomaaliya iyo wareejinta mas'uuliyadaha ciidamada amniga qaranka Soomaaliyeed iyo kuwo kale.

Maanta, wafdiga uu hoggaaminayo Maj. Gen Francis Okello, Madaxa Qorsheynta iyo Hawlgallada ee PSOD, ayaa wada -hadallo la yeeshay wakiilo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Cabdisaid Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.

Danjire Madeira oo hadlay kadib kulanka albaabada u xirnaa ayaa sharraxay in wafdiga ay dalka u joogaan hawlo qiimeyn caadi ah.

“Waxay leeyihiin ujeeddooyin aad u gaar ah si ay u arkaan sida aan u shaqeyneyno, maxay yihiin caqabadaha naga horyaalla; waa maxay xiriirka aan la leenahay martigaliyayaashayada iyo sida aan u qorsheyneyno kala -guurka,” ayay tiri SRCC.

Wuxuu xusay in wafdiga ay si cad wadahadallo ula yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya arrimo ku saabsan nabadda iyo xasilloonida.

“Waxaan fursad u helnay inaan si daacad ah uga hadalno caqabadaha na horyaalla; hawlaha isuduwidda; sidii kor loogu qaadi lahaa is -dhexgalka iyo midnimada, gaar ahaan jawiga siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqa innaga dhexeeya, ”ayuu yiri Danjire Madeira.

Bishii Ogosto ee sanadkii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay in la dhimo shaqaalaha dareeska AMISOM oo la gaarsiiyo ugu badnaan 21,626 marka la gaaro 31ka Diseembar 2017 iyada oo xilalka lagu wareejinayo ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliyeed.

Danjire Madeira ayaa sheegay in wada hadalladii ka dhacay Madaxtooyada ay sidoo kale ku saabsanaayeen qorshaha kala guurka iyo caqabadaha fulinta.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan AMISOM, waxaana ka mid ahaa, taliyaha ciidamada, Lt. Gen. Jim Owoyesigire; Ku -simaha Taliyaha Booliska, Christine Alalo, iyo Sarkaalka Hawl -fulinta, Col. Paul Mwasi.

Gelinkii dambe ee maalintii, Ku-xigeenka SRCC Simon Mulongo ayaa guddoomiyay kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay la yeesheen wakiilo ka socda Wadamada Wax-ku-biirinta Ciidamada (TCCs) si looga wada hadlo arrimaha amniga.

Mudane Mulongo ayaa soo dhoweeyay booqashada wafdiga PSOD, isagoo sheegay in qiimeynta ay ahayd mid lama huraan ah marka la eego kaalinta muhiimka ah ee TCC ilaa iyo hadda ay ka geysteen xasilinta Soomaaliya.

“Guddiga Midowga Afrika wuxuu u xilsaaray kooxdan inay yimaadaan oo ay sameeyaan qiimeyn dhulka ah marka la eego diyaargarowga, xagga qorshayaasha iyo xagga waxqabadyada iyo sidoo kale inay eegaan xiriirka aan la leenahay ciyaartooyda muhiimka ah sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo waliba hay'addeena taageera; QM, gaar ahaan UNSOS” ayuu yiri Mudane Mulongo.

Iyadoo qayb ka ah istiraatiijiyaddeeda bixitaanka, AMISOM waxay billowday hirgelinta qorshe ku-meel-gaar ah oo ku saleysan shuruudo kaasoo arki doona inay ku wareejinayso mas'uuliyadaha amniga dalka ciidamada amniga qaranka Soomaaliya.

Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda (PSOD) waxaa loo xilsaaray inay qorsheeyaan, daahfuraan, joogteeyaan, kormeeraan oo biyo -geliyaan dhammaan Hawlgallada Taageerada Nabadda (PSOs) ee uu oggolaaday Midowga Afrika.