Maalinta Caalamiga Ah Ee Wacyigelinta Miinooyinka, Qaramada Midoobey Waxey Dib-Uxaqiijineysaa Ka Go’naansheheeda Ah In La Helo Soomaaliya Ka Madax Banaan Miinooyinka

4 Apr 2023

Maalinta Caalamiga Ah Ee Wacyigelinta Miinooyinka, Qaramada Midoobey Waxey Dib-Uxaqiijineysaa Ka Go’naansheheeda Ah In La Helo Soomaaliya Ka Madax Banaan Miinooyinka

Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee wacyi-gelinta iyo ka kaalmaynta bixinta miinooyinka, ayey Qaramada Midoobay dib u xaqiijisay inay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada Soomaaliya looga sifeynayo khatarta ka imanaysa walxaha qarxa.

“Haddii la cabbiro tirada dadka ku dhintay ama la qiyaaso inta ay le’eg tahay khasaaraha dhaqaale, ee gaarey dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed oo ka dhashey walxaha qarxa waa qiimo aad u sarreeya oo aan la bixin karin. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay la shaqeyso maamullada Soomaaliya iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo dadka rayidka loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya,” ayay tiri Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

"Maalintan caalamiga ah, waxaan si gaar ah u aqoonsannahay geesinimada iyo naf-hurnimada hawl-wadeennada miinooyinka iyo sida ay uga go'an tahay abuurista jawi ammaan u ah dhammaan dadka Soomaaliyeed," ayay raacisay.

Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 oo rayid Soomaali ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga qaraxyada, miinooyinka iyo walxaha kale qarxa.

Guud ahaan, haraadiga walxaha qarxa waxa ay hor istaagaan soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarka iyada oo meelahaas ay ku jiraan haraadiga miinooyinka ka dhigaysa mid aan jid lahayn kana hortagaysa helitaanka hab-nololeedyada maxalliga ah iyo adeegyada muhiimka ah, iyo sidoo kale ka xannibeysa dadka xorriyadda dhaqdhaqaaqa. Waxa ay sidoo kale caqabad ku tahay gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo oo muhiim u ah qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo ay abaaro ka jiraan.

Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah ula shaqeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah si loo yareeyo saameynta walxaha qarxa. Isla markaana, waxa ay ka shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya si ay u hoggaamiyaan una agaasimaan wax ka qabashada miinada. Taageerada waxaa ka mid ah yareynta khatarta walxaha qarxa, sahanka, hawlaha nadiifinta, iyo u doodista iyo dadaallada kobcinta awooddooda aqooneed si kor loogu qaado u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah.