Radio Bar Kulan

Taageerrada la siiyo AMISOM ee dhinaca macluumaadka dadweynaha waxaa ka mid ah in la sameeyay idaacad ka howlgasha Soomaaliya taasi oo looga gol leeyahay in qayb laga ahaado jawiga macluumaadka ee Soomaaliya.

Idaacadda ku baxda afka Soomaaliga ee Bar Kulan waxaa dhidibada loo taagay sanaddii 2010-kii, taasi oo qayb ka ah taageerrada UNSOS ee dhinaca saadka, idaacaddana waxaa weli laga maalgeliyaa Sanduuqa Maalgelinta.

Hadafka Radio Bar Kulan waxaa uu yahay in uu faafiso war dhexdhexaad ah oo sax, iyo in uu gaarsiiyo adeegyada warbaahinta guud ahaan Soomaaliya si looga hortago wararka khaldan oo ay bixiyaan kooxaha nabad-diidka ah iyo kuwa siyaasado gaar ah wata, iyada oo isla markana la sameynayo wacyigelin ku saabsan AMISOM, UN iyo howlaha nabadeynta ee Soomaaliya. 

Websitewww.bar-kulan.com | Facebook: /Barkulan