Siminaarka Wax Iibsiga ee QM 2018

Xaggee: Muqdisho | Goormaa: 2-da bisha Maay, 9:30 subaxnimo ilaa iyo 4-ta galabnimo Lacagta: Bilaash 

In xiriir ganacsi lala yeesho Qaramada Midoobay waa fursad weyn guud ahaan caalamka iyo sidoo kale gudaha Soomaaliya. 

2-da bisha Maay, waxaan shirkadaha Soomaalida ugu yeereynaa in ay ka qayb galaan siminaar ku saabsan wax kala iibsiga oo lala yeesho guud ahaan QM gaar ahaanna Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala gudaha dalka. Ujeeddada laga leeyahay siminaarkan waa in la idiin bandhigo waxyaabaha iyo habka aan u sameyno wax iibsiga si ay shirkadaha aanu mustaqbalka la shaqeyn doonno iyo mas’uuliyiinta u qaabilsan wax iibsiga ee Qaramada Midoobay aan u fududeyno nidaamyada wax iibsiga. Shaqaalaha wax iibsiga ee UNDP, UNICEF, UNSOS, iyo WFP ayaa siminaarka daadihin doona. 

Is diiwaangelinta

Adeegso liingaxa hoos ku qoran si aad isku diiwaangelisid ugu dambeyn 21-ka bisha Abriilhttp://bit.ly/UN-Business

Shirkadaha ka mid ah qaybaha hoos ku xusan waxaa loogu casumayaa in ay is diiwaangeliyaan. Kaliya shirkadaha leh rukhsad ganacsi oo sax ah isla markana shaqeynayay ugu yaraan 3 sano ayaa loo oggolaan doonaa in ay ka qayb galaan, iyada oo shirkad waliba loo oggol yahay ugu badnaan 2 qof:

  • Shirkadaha Dhismaha
  • Shirkadaha Tiknoloojiyadda Macluumaadka (ICT)
  • Adeegyada Daabicidda
  • Qaybiyeyaasha qalabka Dab Daminta
  • Adeegyada qaybinta iyo cillad bixinta qalabka ammaanka
  • Cillad bixinta baabuurta gaashaaman
  • Adeegyada shirarka, marti qaadka iyo hooyga (jiifka)
  • Qalabka xafiisyada 

OGOW – Ka qaybgalka siminaarka waa lacag la’aan. QM marnaba lacag kama qaadato shirkadaha mustaqbalka lala shaqeyn doono si ay uga qayb qaataan siminaarka

Application period:
06 Apr 2018 to 02 May 2018

Listing type