Adeegyada Duulimaadka

Adeegga Duulimaadka ee UNSOS waxaa xil ka saaran in uu si joogta ah uu taageerro saad ee loo marinayo hawada siiyo AMISOM, UNSOM, SNAF, SESG-GL, iyo SEMG, iyo hay’adaha kale ee samafalka iyo kuwa la xiriira waajibaadka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Adeegyada waxaa ay yihiin: kuwa ka jawaabaya baahiyada howlgalka waxaa ayna taageerro siin karaan dhammaan heerarka kala duwan ee looga baahan yahay; Kuwo wax ku ool ah oo kharash yar ku baxaya, iyada oo isla markana dhowraya hufnaanta howlaha; Dabacsan si ay ka fal-celiyaan baahiyada howlaha ee isbed-beddelaya; haddana guud ahaan ammaan ah iyada oo la fuliyo seddaxda shuruudood ee la soo sheegay, iyada oo aan la carqaladeyn diyaaradda, shaqaalaha, agabka iyo hay’adaha kale.

Diyaaradaha UNSOS hadda waxaa ka mid ah afartan iyo lix (46) diyaaro. Afar iyo toban (14) diyaarad oo lala galay heshiis muddo dheer oo ay ku jiraan afar (4) x diyaaradood oo qaada rakaab iyo xamuul, kuwaas oo duulo Nairobi, Wajeer, Muqdisho, Kismaayo, Balidoogle, Dhoobley, Baydhabo iyo Beledweyne. Toban (10) diyaaradood oo ka shaqeeya lixda (6) xarumood ee qayabaha, iyo boqol iyo kow iyo toban (111) goobood ay ku dagaan diyaaradaha, oo bixiya adeegyada rakaabka, xamuulka iyo sidoo kale adeegyada habeenka/daad-gureynta dhaawacyada/daad-gureynta bukaannada/SAR/QRF.

Howlgalka wuxuu sidoo kale haystaa labo nooc oo qorshe heegan ah. Kow iyo labaatan (21) diyaaradood oo bixiya adeegyo duulimaadka dadka iyo xamuulka kaddib ogeysiis gaaban, iyada oo ku saleysan baahida howlgalka. Kow iyo toban (11) diyaarado oo lala heshiiyay in ay bixiyaan adeegyada daad-gureynta bukaannada iyo dhaawacyada oo laga soo qaado xarumaha qaybaha oo la geeyo meelo ka baxsan Soomaaliya.

Intaasi waxaa dheer, UNSOS waxaa ay diyaarisay oo hirgelisay Barnaamijka Deb-demiska Garoonka Diyaaradda iyo Amniga Duulimaadka oo ay ansixisay ICAO. Waxaa ay abuurtay oo hirgelisay Cutubyada Duulimaadka Badaha iyo ISR si loo taageerro ilaalada xeebaha u dhow garoonka diyaaradda, QRF ISR.