Xarumaha iyo Injineernimada

Qandaraasleyda UNSOS waxaa ay magaalada Muqdisho ka dhiseed xafiisyo iyo hooy loogu talagalay qiyaas ahaan shaqaale ay tiradoodu gaareyso 6,800 iyo xarumo nadaafadeed, jikada iyo goobo lagu cunteeyo.

Dhismaha xarunta AMISOM ee Muqdisho waxaa la dhammeystiray sanaddii 2012-ka.

UNSOS waxaa ay sidoo kale bixisay kontarool ee loogu talagalay in lagu ilaaliyo ammaanka xerada iyo xarumaha Muqdisho iyo qaybaha ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyo keydka qalabka, oo ay ka mid yihiin loorarka carrada iyo siligga si loogu caawiyo AMISOM in ay sare u qaaddo tallaabooyinka ay isku ilaalineyso.

Guryaha iyo xafiisyada ay UNSOS u dhistay shaqaalaha rayidka waxaa lagu sameeyay si loo taageero shaqaalaha rayidka AMISOM ee ku sugan Muqddisho iyo Qaybaha.

Goobaha shaqaalaha rayidka ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxaa ay gacan ka geysanayaan in si weyn loo taabbageliyo ciidamada AMISOM, UNSOM iyo Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka ah.