Tiknoolajiyada macluumaadka iyo isgaarsiinta

Tani iyo sannadii 2009-kii waxaa la sameeyay shabakad isgaarsiineed oo istaraatiiji ah oo ammaan ah oo isku xiraysa Xarunta Dhexe ee AMISOM ay ku leedahay magaalada Muqdisho iyo xarumaha kale ee hawlgalka AMISOM iyo xafiisyada UNSOS ee magaalada Nairobi.  

Nidaamka raadiyaha ah ee ammaanka ah ee loo yaqaanno TETRA ayaa waxaa masraxa howlgalka la geeyay sannadii 2010-kii si howlgallada AMISOM ee Muqdisho loogu taageerro 2,300 oo raadiyo, kuwaas oo hadda sare u kacay oo gaaray 3,200 oo raadiyo oo ay haystaan heer cutub.

Rakibidda nidaamka raadiyaha ee TETRA ayaa tani iyo markaasi la ballaariyay oo la gaarsiiyay 6-da Qaybood iyo goobo kale oo istaratiiji ah oo ay joogaan AMISOM kuwaas oo ka baxsan Muqdisho, iyada oo loo marayay Sanduuqa Maalgelinta ee loogu taabbageliyo AMISOM. Si loo hirgeliyo isgaarsiin ballaaran oo ammaan ah oo u dhaxeysa Xarunta Taliska ee AMISOM ee magaalada Muqidsho iyo xarumaha Qaybaha iyo goobaha istaratiijiga ah, 184 xarumood ee raadiyaha loo yaqaanno Codan, qalab iyo raadiyaha gacanta oo sidoo kale awood u leh in ay si ammaan ah u gudbiyaan xogta ayaa la gudbiyay.

Agabyada kale ee Tiknoloojiyadda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka iyo adeegyada waxaa bixiyaa Adeegga Tiknoojiyadda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka kuwaas ee loo soo gaabiyo CITS waxaana ay ka kooban yihiin: cod, xog iyo muuqaal, sida xiriir talefoon, internet, ,email-ka, wada-sheekeysi muuqaal iyo helitaanka qalabka ganacsiga. Adeegyadani waxaa lagu bixiyaa kaabayaasha Tiknoloojiyadda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka iyada oo loo marayo VSAT, hiirar, iyo khadka lagu bixiyo fiilooyinka iyo kuwa aan fiilooyinka lahayn. Isla agabyada iyo adeegyada Tiknoloojiyadda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka la siiyay AMISOM, UNSOM, UNSOS iyo hay’adaha kale ee ka howgala Muqdisho ayaa sidoo kale la gaarsiiyay Qaybaha iyo goobaha kale ee istaratiijiga ah.  

Iyada oo qayb ka ah waajibaadka UNSOS ee karti dhiska ee loogu taageerayo  Waddamada Ciidamada deeqay ee qayb ka ah howlaha AMISOM, tababar joogta ah oo horudhac ah iyo tababar farsamo oo heer sare ah ayay CITS siiyaan saraakiisha Isgaarsiinta ee AMISOM si ay u yeeshaan awood ay ku haqab tiraan baahiyadooda Tiknoloojiyadda Isgaarsiinta iyo Macluumaadka meel walibo ay Soomaaliya ka tagaan, iyo sidoo kale si loo taabbageliyo  qalabka CITS si isgaarsiin hufan iyo taageerro dhinaca  tiknoloojiyadda macluumaadka loo gaarsiiyo dhammaaan deegaannada ay ka socdaan howlgallada.

Ilaa iyo maanta,in ka badan 700 oo ka mid ah Saraakiisha isgaarsiinta ayaa la siiyay tababar ku saabsan adeegsiga dhowr qalab oo tiknoloojiyadda isgaarsiinta iyo macluumaadka ah iyo qalabka loo isticmaalo masraxa howlaha.