Raashiinka

UNSOS ayaa waxaa tan yo bishii Agosto ee sannadii 2009-kii ay bixinaysay raashiin dhammaystiran oo ka kooban cunnooyin nafaqo ahaan isku dheeli tiran (cunno nadiif ah iyo xirmooyin raashiin ah) oo wadar ahaan leh nafaqo dhan 4,500 kalari oo halkii qofba uu halkii maalinba ka heli karo. Bixinta tageeradan dhanka cunada ah ayaa waxaa ay ka dhigan tahay xaqiijinta xaaladda iyo caafimaadka wanaagsan ee ciidamadda AMISOM ee ku sugan degaanada kala duwan ee ay hawlgalada uu joogan.

Hadda qiyaas ahaan bil welibo ciidamadda AMISOM ee ku sugan 54-ka goobood ee hawlgalka ay uu joogan waxaa la siiyaa oo ay helaan raashiin dhan 1,300,000 oo Kiiloogaraam waxaana arrintan laga sameeyaa 2 goobood oo istaraatiiji ah oo ay ku yaalan bakhaaro kuwaas oo kala ah Muqdisho iyo Mombasa.

Waxaa intaas sii dheer in 250,000 oo Kiiloogaraam oo cuno ah in la geeyo goobaha kala duwan ee saadka ah ee ciidamadda qaranka soomaaliyeed ee SNA ay leeyihiin. Shaqaalaha AMISOM ayaa waxaa loo tababarayaa sida ay ku xakamayn lahaayen nafaqada caafimaadka iyo cunada si markaasi loo hubiyo hoos uu dhac la xiriira kiisaska dadka sheegtaa in xanuun uu ku keenay cuno ay cuneen.