Qalabka Cutubyada

Qalabka Ciidanka waa qalab la siiyo waddamada ay ciidamadooda ka mid yihiin AMISOM maadama ay howlgallada u adeegsadaan qalabkooda qaran. Xeerkan ayaa markii ugu horraysay waxaa la meelmariyay bishii Janaayo ee sannadkii 2009-kii iyadoo loo maraayay qaraarkii golaha amniga ee qaramada midoobay  ee sannadii 1863-kii.

UNSOS, AMISOM iyo waddamada ay ciidamaddooda qeybta ka yihiin howlgalka AMISOM ayaa afar biloodba mar waxaa ay dib uu eegis ku sameeyaan qalabka ciidamada taas oo looga gol leeyahay in lagu garto in ay u qalmaan in la siiyo qalabka si waafaqsan xeerarka u yaallo Qaramada Midoobay. Qalab halis ah iyo kuwa aan halis ahayn oo ku ku baxday lacag dhan 21.5 milyan oo doolar ayaa la bixiyay inta uu dhexeeysay bishii Janaayo ee sannadkii 2009-kii ilaa iyo 21-ka bishii Febraayo ee sannadii 2012-ka iyadoona lacagaha loo sii mariyay sanduuqa maalgelinta ee Trust Fund.

Bishii Febraayo ee sannadii 2012-ka golaha amniga wuxuu ku soo daray waajibaadka UNSOS bixinta Qalabka Ciidanka iyada oo loo marayo qiimeynta QM ee waxtarka Waddamada Ciidamada deeqay (Qaraarka 2036). Saameynta ay tani lahayd waxaa ay tahay in lagu wareejiyay maalgelinta la xiriirta bixinta qalabkaa waxtarka la qiimeeya isla markana lacago dheeraad ah laga siinin Sanduuqa Maalgelinta AMISOM.