Muqdisho – Hay’adda Qaramada Midoobey ee Miino-saarista/The United Nations Mine Action Service (UNMAS) ee Soomaaliya joogta, ayaa iyada oo qayb ka ah Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmada ee Soomaaliya / the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), waxaa ay u dabaaldegtey Maalinta Caalamiga ah ee Kor-u-qaadista Wacyiga Ku Aaddan Miinooyinka iyo Gacan-ka-geysashada Miino-saarista iyada oo maalintaa ku xustey munaasabad cid walba u furan oo ay ku qabatey Xarunta QM ee Muqdisho, iyada oo halkaas ku soo bandhigtey dadaallada nolol-badbaadinta ee wax looga qabanayo halisaha waxyaabaha qarxa laguna ilaalinayo bulshooyinka. Munaasabadda ayaa mar kale xaqiijisey sida ay bah-wadaagtu uga go’an tahay xoojinta miino-saarka iyo ku-gacan-siinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee dhinaca dhisidda qaran badbaado leh, oo amaankiisuna ka wanaagsan yahay kan hadda.
Maalintan oo sanad kasta la xuso 4ta Abriil ayaa sanadkan hal-ku-dheggeedu ahaa, “Maalgeli Nabadda, Maalgeli Miino-saarka ama Invest in Peace, Invest in Mine Action,” dabaal-degga maalinta ayaa dadka looga wacyi-gelinayaa halisa ay leeyihiin miinooyinka dhulka, qaraxyada macmalka ah (IEDs), iyo waxyaabaha qarxa ee ah haraadiga dagaallada / explosive remnants of war (ERW), iyada oo islamarkaana ku baaqeysa dardargelinta miino-saarka, wax-ka-ogaanshaha halista, ballaarinta gacansiinta dhibbanayaasha, iyo yareynta keydadka hubka si waddada loogu xaaro duni xorowda miinooyinka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgaley hawl-wadeenno ka kala socdey QM iyo bahwadaagteeda si ay uga wada munaaqashoodaan doorarka kobcaya ee UNMAS iyo UNSOM ee Soomaaliya gudaheeda. Ka-qabgalayaasha ayaa heley aqoon qoto-dheer oo ku saabsan sida taageero hawlgaleed, mid adeeg (logistical) iyo mid farsamo oo iskudhafan ay gacan uga geysato wax ka qabashada halista adag ee waxyaabaha qarxa iyo xoojinta kartida qaran.

Iyada oo muujineysa muhiimadda ay leedahay bah-wadaag-ahaanshaha, ayaa Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Madaxa UNSOS, Qurat-ul-Ain Sadozai, waxaa ay hoosta ka xarriiqdey: “Iskaashiga u dhexeeya UNSOS iyo UNMAS, iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya, iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Kaalmada iyo Xasilinta ee Soomaaliya / the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), waxaa uu lagamamaarmaan u yahay xoojinta kartida qaran iyo yareynta raadka ay reebaan khataraha waxyaabaha qarxa. Taas ayaa mar walba naga go’an si loo helo Soomaaliya ka badbaado badan tan hadda."
Soo-bandhigid toos ah oo ay sameynayaan khubarrada UNMAS ayaa ah tusaale muujinaya awoodaha khaaska ah ee la keeney si loo taageero AUSSOM iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya / Somali Security Forces (SSF), kaas oo ay qayb ka ahaayeen hawlgallo heer sare ah oo miino-baaris ah si loo sugo amniga waddooyinka sahayda iyo si loo xaqiijiyo in si amaan ah ay ugu socdaalaan dadka rayidka ah iyo nabad-ilaaliyeyaasha.

Ka-qaybgalayaasha ayaa sidoo kale loo soo bandhigey tiknolajiyadaha baarista iyo ogaanshaha (search-and-detection technologies), sida raadaarka dhulka la dhexgeliyo (ground-penetrating radar) iyo qalabka lagu ogaado birta oo la waafajiyey deegaanka hawlgalka ee Soomaaliya, iyo sidoo kale Eeyo Uriya Waxyaabaha Qarxa / Explosive Detection Dogs (EDD), kuwaas oo door muhiim ah ka qaata soo-ogaanshaha halista dad ka qarsoon.

Khubarro farsamo ayaa ka-qaybgalayaasha la yeeshey kulamo su’aalo iyo jawaabo ah, iyaga oo sharaxaad gacan-ka-qabasho ah ka bixinayey culeysyada hawlgaleed iyo xalalka ka jira degaannada laga hawlgalo. Macluumaad is-dhaafsiyadan ayaa sii-xoojiyey muhiimadda ay leeyihiin aqoon-wadaagista iyo isuduwidda ay yeeshaan bahwadaagta ka shaqeeya hoos-u-dhigista halista waxyaabaha qarxa.

Madaxa Miino-Saarka Mine Action ee Soomaaliya, Fran O’Grady, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda dadka ka shaqeeya hawshan: “Geesinimada kooxaha miino-saarka ee maalin kasta halis gelinaya naftooda si ay u ilaaliyaan bulshooyinka ayaa weli xuddun u ah hawsheenna."
Soomaaliya gudaheeda, UNMAS oo qayb ka ah UNSOS ayaa kaabeysa dadaallada qaran si loo yareeyo halista khatarta waxyaabaha qarxa iyo Qaraxyada Macmalka ah (IEDs), iyada oo si dhow ula shaqeyneysa Ciidamada Amniga Soomaaliyeed iyo AUSSOM. Dadaalladan waxaa ay ka qaybqataan ilaalinta dadka rayidka ah, helidda gargaarka bani’aadamnimada, iyo sii wanaajinta xasilooni muddada fog lagu dhex helo Soomaaliya.




