UNSOS
Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Sii-iayaha Madaxa UNSOS oo booqatey Baydhabo Si ay munaaqasho ugala soo yeelato taageerada ciidamada AUSSOM ee gobolka jooga

AASG Sadozai_Baidoa_17 March 2026

Baydhabo – Sii-hayaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Madaxda Xafiiska Qaramada Midoobey ee Taageerada ee Soomaaliya / the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), Ms. Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa dhowaan booqatey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si ay u daraaseyso xaaladaha hawlgallada iyo si ay munqaaqasho ugala soo yeelato taageerada UNSOS ay siiso ciidamada AUSSOM ee gobolka jooga.

csdc.jpg

Ms. Sadozai waxaa la socdey Sarkaalka Mas’uulka ka ah Adeeg-Bixinta, Mr. Babacar Diop; Sarkaal Sare oo Barnaamij iyo Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka, Mr. Patrick Duah; iyo Madaxa Unugga Isuduwidda ee heer Gobol, Mr. Mesfin Akalu.

55153005198_ddeaf48df5_k.jpg

Hawl-wadeenno ka tirsan AUSSOM, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Sektarka 3aad Sarreeye Guuto Teklu Hurisa Janka, ayaa soo dhoweeyey wefdiga intii ay booqashadu socotey.

55151946217_6f6c11047b_k.jpg

Ms. Sadozai ayaa ciidamada AUSSOM ee ka socda Itoobiya iyo Unugga Booliska Diyaarsan ee the Ghana Formed Police Unit ku amaantey dadaallada ay ku ilaalinayaan dadka rayidka ah iyo kuwa ay ku taageerayaan ujeeddooyinka Hawlgalka. Waxaa ay sidoo kale mar kale dib u xaqiijisey sida ay UNSOS uga go’an tahay joogteynta taageerada ay siiso hawlgallada jiidda hore ee AUSSOM inkasta oo ay jirto miisaaniyad-dhimistii dhowaan la sameeyey.

photo_371.jpg

“Safka furinta hore, waxaa ka jira waxyaabo badan oo culeys idinku haya, waxyaabo aad u baahan tihiin, iyo arrimo mudnaan leh. Waan idinkaga mahadcelineynaa taageeradiina,” ayaa ay tiri Ms. Sadozai.

Sarreeye Guuto Teklu ayaa bogaadiyey iskaashiga xooggan ee u dhexeeya ciidamada AUSSOM, hawl-wadeennada Qaramada Midoobey, iyo unugga booliska Diyaarsan ee Ghana Formed police unit.

Waxaan dhisney xiriir iskaashi oo aad u adag oo aan la kala goyn karin, waxaana aan aad ugu faraxsanahay in aan sidii hal qoys oo kale ugu hawlgalno sektarkan dhexdiisa”. Ayaa uu yiri Sarreeye Guuto Teklu.

55153216760_e3b86cc05f_k.jpg

Waxaa uu intaa ku darey, “Waxaan dhihi karaa in adeegga (saadka) iyo taageerada UNSOS ee sektarkan ay si wanaagsan u socdaan, haddiiba aanu ahayn mid saafi ah oo aan dhaliil lahayn. Waxaan jeclaan lahaa in aan fursaddan uga faa’iideysto in si kal iyo laab ah aan shaqaalaha QM ee sektarkan jooga ugaga mahadceliyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay sida joogtada ah u bixinayeen.”

55152864766_3a3f9c621a_k.jpg

Ms Sadozai ayaa sidoo kale kulan loo wada dhan yahay u qabatey UNSOS, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada ee Soomaaliya / United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), iyo hay’adaha QM, waxaana ay sharaxaad ka bixisay arrimaha mudnaanta leh ee hawlgalka iyo tallaabooyin lagu sii wanaajinayo hufnaanta iyada oo kheyraadka la hayana uu yar yahay.

“Ogaada in dadaal kasta oo aad bixineysaa uu muhiim yahay iyo in u uku jahaysan yahay hubinta in UNSOS ay hawsheeda uga soo baxdo sida ugu wanaagsan inkasta oo culeysyo ay jiraan.” Ayaa ay Ms. Sadozai ku tiri hawl-wadeennada.

55152863736_31aab20cf9_k.jpg

Booqashada waxaa qayb ka ahaa kormeer ay ku soo martey tas-hiilaadka muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin bakhaarka dhexe, warshadda korontada cadceedda ka dhalisa, goobo la qorsheynayo in laga dhiso xafiisyo, nidaamyo biyo iyo bakhaar, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Sarkaalka QM ee Madaxda ka ah ahna Sarkaal Maamul ee Gobolka Ibrahim Sidibe, iyo wakiilka u qaabilsan Injineeriyadda Joel Bai.

photo_5.jpg