Kismayo — Sii-hayaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Madaxda Xafiiska Qaramada Midoobey ee Taageerada ee Soomaaliya / the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa booqasho wadajir ah ku tagay magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland, maalintii Isniinta si ay u qiimeeyaan waxqabadka hawlgalka, u eegaan xaaladda shaqaalaha, una xoojiyaan iskaashiga.
Intii booqashada lagu guda jiray, Marwo Sadozai waxay mar kale xaqiijisay sida ay UNSOS uga go'an tahay bixinta taageero saad wax-ku-ool ah oo loo fidiyo AUSSOM si loo xoojiyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Waxaan maalin kasta si dhab ah u qadarinnaa waxa aad qabataan iyo dadaalka aad gelisaan si loo hubiyo in taageerada saadka ee aan kala go’ lahayn loo gaarsiiyo macaamiisheena. Taageeradeenna waxaa loogu talagalay in ay sii socoto taageeridda macaamiisheena, kuwaas oo ah saaxiibbadeenna AUSSOM, Dalalka ay Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya (TCCs), Cutubyada Booliska Gaarka ah (FPUs), iyo dhammaan dadka aan u adeegno ee hoos yimaada waajibaadkeenna,” ayay tiri Marwo Sadozai iyadoo la hadleysay shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo kuwa AUSSOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Waxaa booqashadeenna ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, Taliyaha Booliska (AIGP) Hillary Sao Kanu, Sarkaalka Sare ee Barnaamijyada UNSOS isla markaana ah Madaxa Qaybta Qorshaynta Kala-guurka Patrick Duah, Madaxa Bixinta Adeegyada Babacar Diop, iyo Madaxa Qaybta Isuduwidda Gobolka Mesfin Akalu.

Markii ay gaareen, Marwo Sadozai, iyo wafdigii la socday, waxaa soo dhoweeyay Taliyaha Qaybta Labaad, Sarreeye Guuto Edward Banda. Sarreeye Guuto Banda wuxuu bixiyay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan xaaladda amniga ee hadda jirta, isbeddellada soo-if-baxaya ee Al-Shabaab, caqabadaha horyaalla hawlgalka, iyo doorka saadka ee UNSOS inta lagu guda jiro marxaladda kala-guurka ee AUSSOM.

Marwo Sadozai waxay qirtay sida weyn ee ay naftooda u hureen ciidamada safka hore ku jira ee AUSSOM, waxayna carabka ku adkeysay sida ay UNSOS uga go'an tahay taageeridda AUSSOM.
“Waxaan halkan u joognaa iskaashi iyo isgarabsiin xooggan si aan u taageerno dhammaantiina. Fadlan waxaan idin xaqiijinayaa, in aad oggaataan maalin kasta marka aan Muqdisho joogno in aan kaliya ka fikirno sidii taageero saad oo aan kala go’ lahayn loo gaarsiin lahaa dhammaan inta ku sugan safafka hore,” ayay tiri.

Marwo Sadozai waxay uga mahadcelisay hawlwadeennada KDF iyo SLFPU nafhurnimada iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu xaqiijinayo kala-guurka saadka ee aan kala go’ lahayn, nabadda, iyo xasilloonida Soomaaliya.
SRCC ayaa mar kale xaqiijiyay ballanqaadka hawlgalka ee fulinta waajibaadkiisa, isagaoo hawlwadeennada ku ammaanay doorkooda ku aaddan taageeridda hannaan nabadeed oo ay Soomaaliya hoggaaminayso.

“Waxaan maanta halkan u joognaa laba ujeeddo. Midda koowaad waa in aan aragno sida ay xaaladdiinnu tahay, waxa aad qabataan, waxa ay yihiin caqabadaha idi horyaalla, iyo sida aan u taageeri karno fulinta waajibaadka. Waxaan sidoo kale halkan nala jooga UNSOS si aan u muujinno midnimo ujeeddo,” ayuu yiri Danjire Diene.
“Waxaan ku qancay waxa aan hadda maqlay oo aan arkay. Mudnaanteenna istaraatiijiga ee afarta ah waa; in la wiiqo awoodda Al-Shabaab, in aan gacan ka geysano xasillinta, ilaalinta dadka rayidka ah, iyo in la abuuro oo la joogteeyo jawi ammaan ah oo ku habboon hawlaha bani’aadantinimo. Waxaadna wadaan dadaalka ugu wanaagsan ee arrintaasi ku saabsan.”

SRCC wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay sida hawlgalka uu u garabsiinayo shacabka Soomaaliyeed xilli ay jirto abaar daran, wuxuunna ciidamada ku ammaanay ciidamada dadaalladooda Iskaashiga Shacabka iyo Militariga (CIMIC).
Kismaayo, oo ku taalla Aagga Mas’uuliyadda Qaybta Labaad, waxaa hadda suga amnigeeda ciidamada AUSSOM ee ka socda Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), iyadoo ay taageerayaan Cutubka Booliska ee Gaarka ee Sierra Leone (SLFPU).
Taliyaha Ciidanka ayaa ugu mahadceliyay ciidanka iyo Dalalka Ciidanka Booliska ku tabbbarucay (T/PCCs) iyo UNSOS sida joogtada ah ee ay u taageeraan hawlgallada AUSSOM.

“Sidaas daraadeed, waxaan rabaa in aan salaan u saaro adiga (Sarreeye Guuto Banda), iyo hoggaanka KDF, hoggaanka Kenya, iyo shacabka Kenya. Waxaan sidoo kale rabaa in aan uga mahadceliyo SLFPU, taliyaha cutubka, iyo kooxdiinna shaqada wanaagsan ee aad qabateen idinkoo ka taageeraya qaybta dhinaca hawlaha booliiska, iyo gudashada waajibaadkiinna inkastoo ay jiraan dhibaatooyin, caqabado, iyo xaaladda adag ee ka jirta deegaanka aad ka hawlgashaan,” ayuu yiri Sarreeye Guud Kavuma.
Taliyaha Booliska AUSSOM, AIGP Kanu waxay ka mahadcelisay iskaashiga ka dhexeeya KDF, SLFPU, iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee lagu horumarinayo waajibaadka AUSSOM.

“Waxaan dhammaanteenna u dagaallamaynaa hal ujeeddo, ujeeddadaasna waa xasillooni iyo in la xaqiijiyo nabad waarta oo ay helaan bulshada oo dhan, waxaana rabaa in aan idinkaaga mahadceliyo,” ayaa ay tiri Taliso Kanu.
Wafdigu wuxuu sidoo kale la kulmay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), UNSOS, iyo shaqaalaha qandaraasleyda, iyagoo aqoonsaday kaalintooda muhiimka ah ee taageerada hawlgallada hawlgalka.





