UNSOS
Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Seminaarka Ganacsiga ee UNSOS ee loogu talogaley Ganacsiyada ay Haweenku ku Leeyihiin Soomaaliya

bsp_landscape_web.jpg

Muqdisho – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmada ee Soomaaliya / The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) waxaa uu Ganacsiyada Haweenku ku Leeyihiin Soomaaliya ku martiqaadayaa in ay ka soo qaybgalaan seminaarka Ganacsiga ee QM ama UN Business Seminar ee 23ka Abriil 2026ka lagu qabanayo Muqdisho.

Seminaarku waxaa uu hadafkiisu yahay in sharikadaha lagu wacyi-geliyo xeerarka iyo xeer-nidaamiyeaasha Wax-soo-iibsiga QM, iyo sidoo kale in lagu siiyo xogo ku saabsan sida loogu guuleysto qandaraas. UNSOS waxaa ay ka dhur-sugeysaa in ay mar dhow xiriir ganacsi la yeelato ganacsigaaga.

Taariikhda ugu dambeysa ee la soo gudbin karo codsi: 15ka Abriil 2026ka

Fadlan sida aad u daneyneyso ku soo gudbi emailka: unsos-businessseminar@un.org