UNSOS
Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Sii-hayaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Madaxa Aussom oo booqasho midnimada lagu xoojinayo si wadajir ah ugu tagay ciidamada ku sugan magaalooyinka Baladweyne Iyo Jowhar

pic_1.jpeg

Baladweyne, Jowhar — Sii-hayaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Madaxda Xafiiska Qaramada Midoobey ee Taageerada ee Soomaaliya / the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS)), Qurat-ul-Ain Sadozai iyo Danjire El Hadji Ibrahima Diene, Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa booqasho midnimada lagu xoojinayo ku tagay magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar si ay u qiimeeyaan xaaladda ciidamada iyo u-diyaar-garowgooda hawlgal.

Marwo Sadozai waxay sheegtay in booqashada wadajirka ah ay muujinayso sida ay UNSOS u garabtaagan tahay hawlgalka AUSOM, taas oo astaan u ah iskaashi xooggan oo lagu taageerayo fulinta waajibaadka hawlgalka.

Waxay sidoo kale hoggaanka AUSSOM ku ammaantay iskaashiga iyo taageerada ay bixiyeen.

Intii lagu guda jiray booqashada wadajirka ah, Marwo Sadozai waxay qaddarisay dadaalka iyo shaqo u heellanaanta ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya, waxayna mar kale xaqiijisay taageerada joogtada ah ee UNSOS ee ku aaddan fulinta waajibaadka AUSSOM.

55142053596_789355125e_o.jpg

“Ka UNSOS ahaan, waxaan si buuxda u ogsoonahay waxa aad maalin kasta wajahaysaan; naftihurnimada aad muujiseen, iyo shaqada aad qabataan si loo hubiyo sii socoshada hawlgallada,” ayay tiri Marwo Sadozai.

Waxay sidoo kale la kulantay oo ay la hadashay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar intii lagu guda jiray kulammo ay shaqaalaha la yeelatay, iyadoo u sharaxday mudnaanaha UNSOS iyo tallaabooyinka xiga ee lagu bixinayo taageerada saadka ah ee la gaarsiinayo ciidamada AUSSOM ee safafka furinta hore ku jira.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, Taliyaha Ciidamada Booliska, AIGP Hillary Sao Kanu, Sii-hayaha Xafiiska Madaxa Taageerada Hawlgalka, Marwo Maxmillian Okech, iyo Madaxa Silsiladda Sahayda ee UNSOS, Fabio Mevoli.

pic_3_0.jpg

Magaalada Baladweyne, wafdiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxay kula kulmeen saraakiisha AUSSOM ee ka kala socday Jabuuti iyo Itoobiya oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Afraad, Sarreeye Guuto Shumet Telelew, halka Jowhar, ay kula kulmeen ciidamada AUSSOM ee Burundi oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Shanaad, G. Sare Oscar Hatungimana.

Danjire Diene, oo sidoo kale ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), ayaa aqoonsaday taageerada UNSOS ay siiso AUSSOM, wuxuuna carabka ku adkeeyay sida ay AUSSOM ugu heellan tahay shacabka Soomaaliyeed, asluubta xirfadeed iyo dhexdhexaadnimada laga filayo Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika marka ay gudanayaan waajibaadkooda si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo amniga ee ay hoggaaminayso Soomaaliya.

55142284979_43b50decbe_o.jpg

Wuxuu xusuusiyay waajibaadka AUSSOM, oo ay ku jiraan wiiqidda awoodda iyo jabinta Al-Shabaab, fulinta hindiseyaasha xasillinta, ilaalinta dadka rayidka ah, iyo abuurista jawi ammaan ah oo ku habboon fududeynta hawlaha bani’aadantinimo.

“Waxaan halkan u joognaa shacabka Soomaaliyeed awgood, guusheennana waxay ku xirnaan doontaa dhammaantooda. Waxaan mar kale caddeynayaa in la igu sharfay in aan noqdo Madaxa AUSSOM iyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) iyo in aan la shaqeeyo idinka oo ah dad geesiyaal ah oo karti leh. Idin ma niyad-jebin doonno,” ayuu yiri Danjire Diene.

Taliyaha Ciidanka AUSSOM wuxuu ammaanay Dalalka Ciidanka iyo Booliska Ku Deeqay Hawlgalka, dadaalkooda joogtada ah ee aan kala go’ lahayn ee lagu taageerayo dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti ee sida istaraatiijiga ah ee ay u maamulaan Qaybta Afraad, taas oo si wax ku ool ah uga hortagtay in Al-Shabaab ay soo gasho aaggan. Waxaan sidoo kale ku ammaanayaa Ciidanka Booliska Gaana shaqadooda heerka sare ah iyo taageerada muhiimka ah,” ayuu yiri Sarreeye Guud Kavuma. “Waxaan doonayaa in aan uga mahadceliyo guutada ciidamada Burundi, Dowladda iyo shacabka Burundi shaqada wanaagsan ee ay qabteen iyo kaalinta ay ku leeyihiin Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo ku sugan Jowhar.

Wuxuu sidoo kale qaddarin u muujiyay iskaashiga lala leeyahay UNSOS, wuxuuna adkeeyay midnimada ujeeddo si loo gaaro fulinta waajibaadka.

pic_2.jpeg