Mashruuca TETRA

Dadaalka wadajirka ah ee UNSOS iyo AMISOM ay ku horumarinayaan amniga masraxa howlgallada iyada oo u marayo Qalabka Raadiyaha ee loo yaqaanno TETRA ayaa waxaa la bilaabay 2010-ka, wuxuuna socday ilaa iyo 2011.

Mashruuca waxaa uu beddelay raadiyeyaashii hore ee ahaa kuwo aan ammaankooda aad u sugneyn oo ay horey u isticmaalayeen AMISOM, wuxuuna sare u qaaday amniga isgaarsiinta istaratiijiga ah ee magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu taageerayo howlgallada AMISOM.

Hadda waxaa jira lix xarumood oo laga maamulo raadiyaha oo leh qiyaas ahaan 1,900 oo raadiyo ah (oo ay ka mid yihiin saldhigyo, raadiyaha kuwa gacanta) oo ay isticmaalaan ciidamada militariga AMISOM, booliska iyo shaqaalaha rayidka ee ka howlgasha Muqdisho. Tirada xarumaha laga maamulo raadiyaha ayaa isbeddeleysaa, taasina waxaa ay muujineysaa baahiyada dhinaca howgallada ee AMISOM. Waxaa la casriyeeyay nidaamka si loo gaaro tirada sii kordheysa ee isticmaaleyaasha iyo sidoo kale in aan loo baahanin daare-demiyaha TETRA ee Muqdisho.

Xarunta laga maamulo TETRA ee AMISOM goor weliba ka shaqeeya shaqaalaha sinyaalaha ee AMISOM. Tababar ku saabsan dhammaan howlaha kala duwan ee nidaamka, oo ay ku jiraan hagaajinta keydka xogta iyo nidaamkiisa ayaa weli la siiya shaqaalaha sinyaalaha ee ay xil saaratay AMISOM.

Guud ahaan lacagta la isticmaaley iyada oo loo marayo Sanduuqa Deeqda waa 3.3 milyan oo Doolar, taasi oo u dhiganta 10 Xarumood ee Raadiyaha ah oo dheeraad ah, 1 Xarun ee Taageerrada Isku dhafan ee Keydka Xogta (MISC), 400 oo raadiye ah oo kala duwan iyo qalabkooda.