Caafimaadka

 

Qaybta Caafimaadka ee UNSOS waxaa xil ka saaran in ay afar meelood oo kala duwan taageerro ka siiso AMISOM, UNSOM iyo Hay’adaha Amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

1. Qorshaynta, dhisidda iyo dayactirka agabyada caafimaad ee AMISOM

Dhammaan kaabayaasha la xiriira agaabyada caafimaad ee AMISOM waxaa bixiyaa UNSOS, waxaana ka mid ah wixii qalab ah (marmarna waxaa dayactir ku sameeya UNSOS iyada oo  u mareyso qandaraas maxalli ah).

2. Maareynta sahayda caafimaadka

UNSOS waxaa ay bixisaa dawooyin iyo qalab si ay u taageerto dhammaan 32-da rug caafimaad ee Heerka 1-aad iyo 6 isbitaal oo Heerka 2-aad ah ee ku kala yaallo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

3. Adeegga Daad-gureyn Caafimaad

Adeegga Caafimaad ee UNSOS waxaa ay qandaraas siisay hay’adda AMREF oo ah hay’ad bukaannada iyo dhaawacyada ka qaadda Soomaaliya oo geysa Nairobi ama Johannesburg. 

Guud ahaan, waxaa inta u dhaxeysay Oktoobar sanadka 2009 ilaa iyo Maarso sanadka 2015-ka la daad-gureeyay 540 dhaawacyo, kuwaas oo loo kala qaaday gudaha waddanka iyo dibaddaba. Shaqaalaha la daad-gureeyo waxaa laga qaabilaa xaaladdoodana lagula socdaa 4 Isbitaal oo ay heshiis la gashay UNSOS oo ku yaallo magaalada Nairobi, kuwaas oo kala ah; Isbitaalka Aga Khan University Hospital (AKUH), Nairobi Hospital, Mater iyo Karen.  Laba isbitaal oo ku yaallo magaalada Mombasa oo kala ah Mombasa Hospital iyo Aga Khan University Hospital iyo sidoo kale isbitaal ku yaallo waddanka Koonfur Afrika oo la yirahdo Milpark Network Hospital. 115 bukaan ah ayaa lagu daweeyay isbitaalladan heshiiska lala galay inta uu dhaxeysay bishii Sebtembar ilaa iyo bishii Nofembar ee sannadii 2014-ka.

4. Dhisidda kartida

Adeegga Caafimaad ee UNSOS waxaa xil ka saaran in uu xoogga kobcinta kartida shaqaalaha caafimaad ee AMISOM.

Dhammaan shaqaalaha caafimaad ee AMISOM waxaa ay ka qayb qaatan  waxbarasho caafimaad oo joogto ah oo bil weliba waxaana sidoo kale si joogto ah loo siiyaa tababar ku aaddan caawinta dadka uu ku dhaco argagaxa ka hor inta aan la geyn isbitaalka, taageerrada nolosha ee aasaasiga ah iyo la tacaalidda aasaasiga ah ee dadka qaba xanuunka wadnaha ee hormaray.

Tababarro gaar ah ayaa sidoo kale la bixiyay si wax looga qabto cudurrada sida Qandhada Dengue iyo Cudurka Ebola si markaas loo dhiso kartida shaqaalaha AMISOM si loo yareeyo cudurrada iyo dhimashada ee deegaannada howlgallada laga fuliyo.