Hoggaanka

Ms. Lisa Filipetto

Madaxa UNSOS

Filipetto waxa ay darajadan kusoo kordhineysaa 30 sano oo khibrad ah iyada oo kasoo shaqaysay Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australiya halkaas oo ay xarunta dhexe ka soo  qabatay xilal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Kaaliyaha Xoghayaha ee Midowga Yurub iyo Laanta Yurubta Galbeed (2015-2017), Kaaliyaha Xoghayaha ee Laanta Adeegyada iyo Hantida hal’abuureed, Xafiiska Wadaxaajoodka Ganacsiga (2002-2004) iyo Kaaliyaha Xoghayaha ee Laanta Barriga Koonfurta Bari ee Aasiya iyo Koonfurta Aasiya (2001-2002). 

Filipetto waxa kale oo ay leedahay waayo-aragnimo ballaaran ee dibadeed, iyada oo soo noqotay Danjiraha dalka Australiya ee u fadhida Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ee Itoobiya, iyada oo islamarkaana haysay xilka xiriirka Australiyaa iyo Midowga Afrika, Urur-goboleedka Horumarinta ee IGAD iyo Jabuuti (2010-2014). Waxa ay sidoo kale ahayd Safiiradda Australiya ee waddanka Kenya iyo Danjiraha u fadhiya Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP) iyo UN Habitat iyo sidoo kale Danjiraha waddanka Rwanda, Tanzania iyo Uganda iyo Safiirka u fadhiya Midowga Afrika, Burundi, Jabuuti iyo Eritrea (2007-2010). Waxa ay sidoo kale noqotay Danjiraha Cambodia (2004-2010), Qunsulka-Guud, ee magaalada Ho Chi Minh City, Vietnam (1997-2001), iyo sidoo kale Ireland (1991-1994) iyo Brunei Darussalam (1986-88).

Filipetto waxa ay shahaaddada heerka Master-ka oo ay ka qaadatay Jaamacadda Deakin ee Australiya ay ka haysataa Xiriirka Caalamiga ah, sidoo kale waxa ay shahaaddada heerka koobaad ee Dhaqaalaha iyo shahaaddada koobaad ee Fanka ee Barashada Aasiya ay ka qaadatay Jaamacadda Qaranka ee Australia. Waxa ay sidoo kale shahaaddada koobaad ee jaamacadda ay ka qaadatay Machadka Australian ee Agaasimayaasha Shirkadd.

Mr. Amadu Kamara

Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee UNSOM, ahna Agaasimaha UNSOS

Mudame Kamara waa muwaadin Mareykan ah oo ka soo jeeda dalka Sierra Leone. Waxa uu waxbarashadiisa sare ku dhammeeyay dalka Mareykanka, isaga oo shahaaddadiisii koobaad ee Culuumta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda State University of New York, isaga oo shahaaddada heerka sare ee jaamacadda ka qaatay Dugsiga New School for Social Research oo ku yaalla New York. Mudane Kamara ayaa bishii Oktoobar 1993-dii ku biiray Waaxda Hawlgallada Nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay (DPKO) isaga oo noqday Madaxa Wax iibsiga. Muddadii uu xilkaasi haayay, waxa uu kasoo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ka mid ah qaybaha taakulada ee hawlgallada nabad-ilaalinta, isaga oo ka soo shaqeeyay xarumaha QM iyo goobo badan oo ay ka socdaan halwlgallo intaba.

Kaddib markii uu kasoo shaqeeyay Timor Leste, isagoo ahaa  Madaxa Taakulada Hawlgalka Qaramada Midoobay, waxaa loo magacaabay Agaasimaha UNSOA bishii Abriil 2012-kii, iyo sidoo kale Agaasimaha Taakulada Hawgalka ee UNSOM. Waxa uu sidoo kale sanadihii 2014 ilaa 2015 si ku-meelgaar ah ahaa Maamulaha Xasaradaha ee Hawlgalka QM ee Jawaab-celinta degdegga ah ee Ebola ee waddanka Sierra Leone. 

Mudane Kamara ayaa weli ah Agaasimaha UNSOS iyo Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee UNSOM. 

Mr. Harjit Dhindsa

Ku-Xigeenka Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Caawinta Waddanka Soomaaliya

Mr. Dhindsa ayaa waxaa uu ku soo biiray Waaxda Hawlgallada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay(DPKO)  isagoo sarkaal dhanka saadka ah uu qaabilsanaa bishii Maarso ee sannadii 2001-dii.

Mudadii uu Qaramada Midoobay uu shaqeynaayay waxaa uu soo qabtay shaqooyin badan ee lagu taageeraayay hawlgallada nabad ilaalineed waxaana uu ka soo shaqeeyay xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada New York iyo degaanada kale ee muhiimka ah ee Hawlgallada Qaramada Midoobay. Ka hor inta uusan shaqadan billaabin waxaa uu la soo shaqeeyay ciidanka Hindiya oo uu ka ahaa Gaashaanle Dhanka Duulimaadyada Ah.

Waxaa shaqada hadda uu haayo uu billaabay bishii Nofembar ee sannadii 2014-kii. Agaasime Ku-Xigeen ahaan waxaa uu taageero uu fidiyaa dhammaan qeybaha kala duwan ee UNSOS.​