Dhisidda Kartida

Hay’adda UNSOS waxaa ay dhammaan 3-da qaybood ee ay ka kooban yihiin shaqaalaha AMISOM( militariga, booliska iyo dadka rayidka ah) u fidisaa tababar dhinacyo badan taabanaya oo ay ka mid yihiin: Maareynta saldhigyada iyo dhulka, Amniga Garroomaha Diyaaradaha, ka hortagga Alaabta Khatarta ah, Ammaanka Duulimaadyada, Caafimaadka iyo Fayadhowrka, Maareynta iyo Qaadida Alaabaha culus, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Macluumaadka, Howlaha Doomaha iyo Dayactirkooda, Saadka iyo Qorsheynta Raridda Alaabta, Maareynta Waxqabadka iyo Horumarinta.

Inta u dhaxeysay Abriil 2009 iyo Nofeembar 2014-ka, UNSOS waxaa ay tababar u fidisay 10,093 ka mid ah shaqaalaha AMISOM.