Dhisida kartida iyo mashaaricda wacyigelinta ah

AMISOM waxaa ay baahi degdeg ah u qabtaa dhisidda kartideeda iyo taageerro tababar ah ee ku aaddan meelaha aan lagu darin maalgelinta lagu sameeyay qiimeyn – sida maareynta dhaqaalaha iyo isla xisaabtanka, agaasinka iyo maareynta, qiimeynta macluumaadka, amniga iyo barnaamijka Hubka-dhigsita, Dhaqan-celinta iyo Dib u dhexgalka.  

Sanduuqa Maalgelinta ayaa horey taageeray howlo badan oo karti dhis ah. Waxaa ka mid ah howlahaasi Iibinta qalabka soo saarista oo loogu talagalay Warbaahinta Madaxa Bannaan ee ka howlgasha Muqdisho; dayactirka 3 Degmo oo hoostaga Muqdisho; howlaha wax ka qabadka miinooyinka oo qayb ka ah daraasad degdeg ah, wacyigelin, aqoonsiga,soo saarista iyo tuurista haraaga qaraxyada ee dagaalladii  ee magaalada Muqdisho; iyo sidoo kale bixinta shidaalka oo la siiyo Radio Muqdisho iyo matoorro loo fidiyo seddax isbitaal dadweyne ee ku yaalla magaalada Muqdisho.  

UNSOS waxaa ay bixisay caawimaad farsamo ah iyo taageerro muhiim ah iyada oo u mareyso la taliyeyaal khibrad leh, waxaa ayna xoojisay kartida shaqaalaha AMISOM iyada oo u mareysaa tababarro ku aaddan dhaqaalaha, maareynta, amniga iyo wada-xaajoodka.

Mashaariicda wacyigelinta Saameynta Degdegga leh waxaa sidoo kale ka mid ah fasallo loo dhisay 600 oo carruur ah oo ka barta dugsiga hoose iyo dhexe ee Saabir eek u yaalla Degmada Wardhigley ee caasimadda Muqdisho iyo dayactirka Buundada Warmaham ee Degmada Wanlawein oo ay hirgeliyeen shirkado ay bah wadaag yihiin kuwaas oo ay kormeraayeen UNSOS, AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wadar ahaan 3.5 milyan oo Doolar ayaa lagu bixiyay fulinta howlaha dhisida kartida ah.