Daryeelka Caafimaad

Laga soo bilaabo 2009 ilaa iyo 2011-kii, Sanduuqa Deeqda AMISOM waxaa loo adeegsanayey in lagu bixiyo kharashaadka deymaha ah ee isbitaallada Nairobi kaddib markii la geeyay dad arrimo caafimaad looga soo daad-gureeyay Soomaaliya.

UNSOS oo u mareysa Sanduuqa Deeqda ayaa waxaa ay si la mid ah u taageertay dadaallada AMISOM ee ku aaddan fidinta adeegyo caafimaad oo xaddidan kuwaasi oo qayb ka ah waajibaadkeeda bani’aadannimo ee ka saaran bulshada ku dhaqan Muqdisho iyada oo loo marinayo Isbitaalka AMISOM.

Taageerradan caafimaad waxaa la geliyay lacag dhan 1 milyan oo Doolar, taasi oo horseedday si weyn ay bulshada u taageeraan joogitaanka AMISOM ee Muqdisho.