Taageerada Ciidanka Ammaanka Soomaaliya

Bishii Nofeembar ee sannadkii 2013 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday xirmo taageero saad ah oo aan hub ahayn oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka (SNA) ee hawlgallada wadajirka ah la wadaaga Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee dagaalka kula jira Al-Shabaab gudaha Soomaaliya. Cabirka ayaa la waafajiyay sannadkii 2018 iyadoo laga jawaabayo qaadashada ‘qorshaha kala guurka’ ee ku saabsan kala wareejinta mas'uuliyadda amniga ee AMISOM laga qaadayo loona dhiibayo ciidamada qaranka. Xirmada taageerada ayaa hadda taageerta ilaa 13,900 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Ammaanka Soomaaliya, kuwaasoo si rasmi ah qayb uga ahaa Qaab dhismeedka Amniga Qaranka, isla markaana si firfircoon uga qayb qaadanaya si wadajir ah ama isku dubaridka hawlgallada ay la leeyihiin AMISOM, waxayna si toos ah u taageeraysaa qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya, sida lagu saxiixay waxaa qoray Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM 2520 (2020).

Xirmada taageeradaan waxaa lagu maalgeliyay tabarucaad mutadacnimo ah oo loogu talagalay Sanduuqa Amaanada ee QM waxaana soo gaarsiiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Badeecadaha iyo adeegyada hadda lagu bixiyo xirmada taageerada waa raashin qalalan, biyo la cabbo, shidaalka gawaarida iyo qalabka, teendhooyinka hawlgalka, gaadiidka; marsaxa caafimaadka ee guurguura, qalabka isgaarsiinta hawlgalka iyo goobaha baqaarada difaaca. Heerka taageerada Ciidanka Ammaanka Soomaaliya waxay ku xirantahay maalgelinta la heli karo.

Taageerada hoos tagta Sanduuqa Amaanada waxay la xiriirtaa Qarmada Midoobay Shrciga Difaaca Xuquuqda Aadanaha (HRDDP), oo dooneysa inay hubiso in taageero kasta oo la siiyo xoogagga aan ka tirsanayn Qaramada Midoobay inay la jaanqaadayso ujeeddooyinka iyo mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo iyadoo mas'uuliyadeeda ay tahay in la ixtiraamo, kor loo qaado lana dhiirrigeliyo qadarinta caalamiga ah ee bani'aadamnimada, xuquuqda aadanaha iyo sharciga qaxootiga.

Hay’adda QM ee Adeega Miinooyinka (UNMAS) oo taageero ka helaysa UNSOS, ayaa bilawday mashruuc lagu yaraynayo halista Miinooyinka (IED) si ay Ciidanka Ammaanka Soomaaliya (SSF) ugu suurtageliso inay si nabadgelyo leh uga shaqeeyaan jawiga khatarta sare leh dhanka  miinooyinka.