UNSOS
Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Baabuurta iyo qalabka kale

UNSOS waxaa ay ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho ku wareejisay baabuurta gaashaaman ee loo yaqaanno B6, baabuurta gaashaaman nooca RG-32, baabuurta gaashaaman ee lagu daabulo ciidamada ee loo yaqaanno Casspir, baabuurta dab-demiska iyo qalab la mid ah.

UNSOS waxaa ay sidoo kale gacanta ku dhigtay labo doomood, kuwaas gacan siinaya howlaha AMISOM ee kormeerka iyo ilaalinta meelaha u dhow dekadaha. Muddada dheer, UNSOS waxaa ay qorsheyneysaa in ay heesho noocyada doomaha ee ku fiican ilaalinta badda kacsan ee meelaha ka baxsan xeebaha Muqdisho.

Ugu dambeeyey:
Share