MOVCON and Troop Rotations

Xakamaynta Dhaqdhaqaaqa (MOVCON) waxaa ay mas’uul ka tahay dhaqdhaqaaqa dhammaan shaqaalaha ee gudaha iyo dibedda waddanka.

Intii u dhaxeysay  2011 iyo 2014 UNSOS waxaa ay si guul ah u keentay una shaandhaysay ciidan AMISOM oo dhan 72,869 oo ka kala socda Ugaandha, Buruundi, Jabuuti, Qaybta Xoogga Booliska ee Ugaandha (FPU) iyo Naayjeeriya FPU.

Qaybta UNSOS ee Xakaymaynta Dhaqdhaqaaqa (MCS) waxaa ay mas’uul ka tahay isku-duwidda dhaqdhaqaaqa xamuulka iyo shaqaalaha. Dhammaan maamulidda, siyaasadaha, miisaaniyadda iyo waxyaabaha howgalka ee waddanka waxaa la iskaga soo duwaa xarunta dhexe oo ku taala Nairobi. Xarunta Taageerada ee Mombasa waxaa ay taageero saad u fududeysaa silsiladda keenista halka Xarunta Taageerada ee Mandaqadda ee Entebe (RSCE) ay ballaadhiso taageerada UNSOS iyadoo fidineysa adeegyada la wadaago oo ay ka mid yihiin balse aan ku koobnayn dhammaan adeegyada dhaqaalaha.

Xarunta dhexe ee Muqdisho waxaa ay badanaa xooga saartaa jihada fulinta iyo maareynta iyo sidoo kale xakamaynta howgallada dhabta ah ee Soomaaliya gudaheeda. Waxaa ay sidoo kale maareysaa howlaha la xidhiidha hirgelinta, dayactirka goobaha taaktikada ee howlaha ka socdaan sida waafaqsan waajibaadka howlgalka. Sharraxaadda soo socota waxaa ay bixineysaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan howlaha kala duwan ee ka socda goobo gooni gooni ah.

 Xafiiska Tikidhyada Rakaabka (PBO) waxaa uu kormeer ku sameeyaa howlaha Garoonka Caalmiga ah ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyagoo sameeya jadwal 4 duliimaadyo oo joogto ah usbuuciiba iyadoo la sii marayo Wajeer. PBO waxaa ilaa hadda u suurto gashay isku-duwidda 1,782 duulimaadyo oo ayna xakamaysay 31,231 oo rakaab 2014-kii.

Qaybta Shixnadda waxaa ay qaabilsan tahay: samaynta dalabaad saad oo ay ka codsaneyso qandaraasleyaal, la wadaagista shaqada ama adeega laga rabo qandaraasleyaasha, samaynta waraaqaha qaansheegashada iyo Waraaqadda Gelitaanka Shaqada (SES) ee dhammaystirka Umoja, samaynta dukumiintyada soo dejinta iyo dhoofinta oo ay la samayneyso Qaybta Xidhiidhka Dalka Martida loo yahay ee ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi (UNON), kormeeridda iyo maareynta qandaraaska, isku-duwidda dhammaan xamuulka iyo diyaarinta xisaabaha lacagta qaybta kunteenarrada iyo qiimaynta shuruudaha farsamo kuwaasi oo sameeyey tikidh iyo keenista 372 shixnado ganacsi oo culayskooda gaaraya 10,391,887.25 kiilo oo qiimahoodu na ahaa $ 99,669,063.21 sanadkii 2014-ka. Tirada guud ee kunteenarro ee la soo dejiyey waxaa ay yihiin 1,550 oo ay ka mid ahaayeen 372 shixnado oo 185 ka mid badda lagu soo safriyey, 187 na hawada lagu soo safriyey.

Xarunta Isku-duwidda Dhaq’dhaqaaqa Qaybta/Isku-dhafka Ciidanka waxaa ay isku-duwidda dhaq’dhaqaaqa ciidan la samaysaa Qaybta Qorshaynta UNSOS, UNHQ iyo RSCE. Waxaa ay isku-duw’daa dalabaadka duulimaadka khaaska ah , kormeertaa, teegeertaa, daga-gashaa soo na wargelisaa howlaha dhaq’dhaqaaqa ee ciidanka dhammaan. Qaybta waxaa ay isku-duw’day Dalabaad Dulimaad Khaas ah oo gaaraya 934 2014-kii. Intaa waxaa dheer, waxaa ay fulisay kala wareejinta 11 cutub ciidan, keenista 1 cutub iyo dib u celinta 1 cutub ciidan.  Guud ahaan 124 weerar ayaa la qaaday. Tirada guud ee ciidan ee la howlgeliyey waa 25,946.

Hubinta Tayada iyo Qaybta Addeecista Farsmada waxaa ay isku-duw’daa barnaamijyada hubinta tayada iyo addeecista farsamada, diyaarisaa oo ayna dabagashaa miisaaniyadda qaybta, waxaa ayna qaybta u fulisaa dhammaan howlaha maamul ee kale. Intaa waxaa dheer, kooxda waxaa ay mas’uul ka tahay diyaarinta siyaasadaha iyo Nidaamka Heer ee Howlgelidda (SOPs), Bayaanada cusub ee Shaqada (SOW), mashruucyada khaaska ah, waxaa ayna mas’uul ka tahay Nidaamka Maareynta Tayada ee dhammaan howlgalka. Waxaa ay hubsadaan in la addeeco shuruudaha Aqoonsiga Heerarka Caalamiga ah ee Qaybta Dadweynaha, iyaga ayaana laga la soo xidhiidhaa wixi iibin ah iyo jawaabaha xisaab hibinta Umoja.

Xarunta Taageerada MovCon ee Mombasa, kooxdani waxaa ay mas’uul ka yihiin qabashada iyo soo diridda dhammaan alaabta ku soo degta dekadda ama garoonka diyaaradaha Mombasa oo na lagu kaydiyo Xarunta Taageerada ee Mombasa. 2014-kii MovCon waxaa ay safar gudaha iyo debadda Muqdisho iyo Kismaayo ka samaysay 27 mar iyadoo qiimaha xamuulka uu gaarayo $139,294,946.02. Xafiiska waxaa uu sidoo kale diyaariyaa oo na isku-dubaridaa kolonyada waddada ee raashinka ciidamada AMISOM ugu geeya Libooyo iyo Dhoobleey. Guud ahaan 467 kunteenarro ayaa la geeyey 2014-kii. Xarunta Taageerada ee Mombasa waxaa ay sidoo kale tahay halka ugu muhiimsan ee lagu sameeyo xoojinta howlgallada xamuulka ee ka imaanaya Nairobi iyo goobaha kale.

Howlgalka MovCon ee Soomaaliya waxaa lagu maareeyaa howlgallada ugu muhiimsan iyadoo isku-duwid durugsan la yeelanayo AMISOM dhigooda. Waxaa ay qaybta Soomaaliya geysay guddi 14 xubnood ah si ay si wax ku ool ah adeegyo ugu fidiyaan macaamiisha UNSOS. Waxaa ay isku-duwaan dhaq’dhaqaaqa maraakiibta iyo ciidamada, kormeeraan oo ay maareeyaan la wareegidda adeegyada dhulka ee ku soo dega dhammaan garoomada diyaaradda ee Soomaaliya, howlgallada Muqdisho iyo Kismaayo, waxaa ayna sidoo kale la wareegaan waxyaabaha kala duwan oo ay ka mid yihiin hubka iyo raashinka iyo kuwo kale.

Maadaama waajibaadka UNSOS uu ku saleysan yahay saadka, MovCon mataalaadeeda waxaa looga baahan yahay in laga helo mid kasta ama meel kasta oo ay AMISOM iyo UNSOS xafiisyadooda ku yaalaan. Fulinta howlaha sida maareynta rakaabka iyo xamuulka waxaa si siman looga hirgeliyaa goob kasta sababo la xidhiidha amni iyo hunbinta tayada maadaama ay yihiin kuwo dareen kicinaya.

Howlgallada lagu xorreynayo goobo ka mid Soomaaliya waxaa ay taageero saad oo aad u mug weyn ka heleen UNSOS iyadoo u marineysa MovCon. Relief in Place iyo howlagallada sida ‘Howlgalka Gorgor’ iyo ‘Badweynta Hindiya’ ayaa ka mid ah howlaha ay qaybta hormuud u ahayd halkaasi oo ay ciidanka howlgalka ku jira ay u fidineysay taageero saad oo ku filan.

Keenidda shaqaale caalami ah ee xarumaha qaybta (Baydhabo iyo Kismaayo) ayaa kor u qaaday heerka adeegga, waxaa ayna qaybta siisay muuqaal, waxtar dheeri ah iyo wax soo saar xoogan oo ay ku wajihi karto howlgallada soo socda ee saamaym doona UNSOS.