JSOC

Xarunta Taageerada Howgalka Wadajirka ah (JSOC) waa habka isku duwidda taageerrada howlgalka AMISOM/UNSOS ee loogu talagalay in lagu wanaajiyo qorshaynta, mudnaan-siinta, isku duwidda iyo fidinta taageerrada howlgalka si loogu kaalmeeyo AMISOM in ka soo baxdo waajibaadkeeda si hufan oo wax ku ool ah.

Howlaha JSOC waxaa loo qaabeeyay in ay dareemaan shaqooyinka kala duwan ee AMISOM iyaga oo mudnaanta siinaya in ay taageerro dhinaca saadka siiyaan ciidamada militariga iyo booliska iyo shaqaalaha rayidka. Waxaa loo qaabeeyay oo shaqaale ku filan loo yeelay si ay si hufan oo wax ku ool ah isku duwaan, u qorsheeyaan oo ay taageerro dhinaca saadka siiyaan dhammaan qaybaha kala duwan. Qayb kasta waxaa ay wakiil ku leedahay JSOC iyada oo ay jiraan Sarkaalka Isku Duwidda Militariga (MDO) iyo Sarkaalka Isku Duwidda UNSOS (DO) kuwaas oo hormuud ka ah taageerrada saadka ee qaybaha. Sidoo kale, shaqaalaha JSOC waxaa ay booqasho joogto ah ku tagaan qaybaha si ay u helaan macluumaadka dhabta ah ee ku saabsan taageerada saadka iyagoo isla markaana doonaya kor u qaadista hufnaantooda ku aadan fidinta adeegga.  

Dhammaan dalabaadyada AMISOM ee ku aadan taageerada saadka waxaa loo maraa JSOC, waxaana laga maarmaan ah in AMISOM iyo UNSOS ay macluumaadka u wadaagaan si daah-furan si la isla garto waxyaabaha mudnaanta ah ee howlaha shaqo iyo baahiyada ee mustaqbalka.

Shaqada JSOC waxaa ay fududeeysay nidaamka taageero u fidinta AMISOM iyada oo dalabaadka la geliyey jadwal, lalana socdo ilaa laga dhammaystiro.