Howlaha Gaadiidka

Xafiisyada Gaadiidka ee UNSOS waxaa ay ku kala yaalaan seddax magaalo (Nairobi, Mombasa iyo Muqdisho). Agabka gaadiidka waxaa ay yaalaan meelaha laga howlgalo balse waxaa diiradda la saaraa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Qaybta 1-aad (Muqdisho).

Gaadiidka UNSOS ee gaaraya 750 baabuur waxaa ka mid ah: baabuurta yaryar ee dadka lagu qaado, baabuurta gaashaaman, qalabka lagu qaado agabka, qalabka injineerrada, baabuurrada xamuulka, baabuurta gaashaaman ee lagu daabulo ciidanka, iyo baabuurta dad-deminta. Gaadiidka AMISOM waxaa ay sidoo kale bixiyaan doomaha ciidamada badda si loo xoojiyo howlaha kormeerka iyo ilaalinta ee AMISOM ee agagaarka dekadaha.

Qaybta gaadiidka waxaa ay haatan taageereysaa UNSOM, UNSOS, AMISOM iyo SEMG, waxaa ka mid ah taageerro dhinaca dayactirka iyo hagaajinta iyada oo u mareyso qandaraasleyda ay la shaqeyso. Waxaa ay kaalin muhiim ka ciyaartaa in ay Qaybta Gaadiidka Culus (HTU) ay siiso ayna u hagaajiso baabuurta iyo qalabka culus, waxaa ayna sidoo kale tababar muhiim ah oo ku aaddan baabuurta gaarka ah iyo qalabka siisa ciidamada AMISOM.