FAQs

1. Waa maxay sababta UNSOA loogu beddelay UNSOS?

Xoojinta Hoggaanka: Si si wanaagsan looga qeyb geliyo waddamada xubnaha ka ah, AU-da iyo waddamada muhiimka ah ee ay bah wadaagta yihiin. Si warbixinno joogto ah loo siiyo SC iyo macluumaad ku saabsan waxqabadka UNSOS.

La xisaabtan adag: Nidaam horumarsan oo lagu oganaayo in hawlaha kormeer ay waafaqsan yihiin tan HRDDP,nidaam looga hortagaayo SEA, qaab wanaagsan oo lagu ilaalinaayo dadka rayidka ah.

Saad wax ku ool ah: Hababka maamulka oo laga dhigay kuwo waxtar badan, qaab dhismeedka bixinta waxyaabaha loo baahan yahay oo laga dhigay mid wax ku ool ah iyo sidoo kale hawlgalka lagu fududeynaayo islamarkaasina laisugu keenaayo dhaqdhaqaaqa ciidamadda.

Hawlgallada lagu ilaalinaayo bilicda degaanka: Waxaa waajibaad ku ah in AMISOM ay ka caawiso in ay la timaado siyaasad ku wajahan bilicda degaanka taas oo ku saabsan fududeynta, isticmaalka iyo sidoo xakamaynta xajmiga hawada iyo isticmaalida tamar waarta.

Sahaminta qaab cusub oo tageero ah: Tageerida hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa aan Qaramada Midoobay ahaynba iyadoo loo maraayo isticmaalka fekrada hub aan degaanka saamayn ku lahaan doonin iyo qaabka loo yarayn lahaa. Qaabkan ayaana sahlay guulo dhab ah iyo dabacsanaan in la gaaro taas oo ku qotonta ka hawlgalida degaanada sida aadka ah khatarta uu ah waxaana qeyb ka ah in sare loo qaado hubka aan khatarta ahayn ee laga isticmaalo degaanadaas. UNSOS ayaa waxaa ay hadda taageertaa ciidamo koru u dhaafaya 37,000 oo ay caawiyaan shaqaalo ka hooseeya 500 oo qof.

Mabda’ dhexe ee hawlaha Militariga iyo tan siyaasadaba: UNSOS ayaa waxaa waajibaadkeeda qeyb ka ah in ay tageerto hawlgallada aadka uu sarreeya ee ay militariga qaadan iyo siyaasadda isbedbedesho ee degaanada kala duwan ee hawlgalku uu ka dhaco iyo sidoo kale jawiga lagu hawlgalo oo hadda saad ahaan sii noqonaaya mid aad uu adag oo intaas ay uu sii dheer tahay amniga oo ah mid aad uu adag.

2. Maxay tan uga dhiggan tahay waddanka Soomaaliya?

UNSOS firfircoon oo xoog leh ayaa waxaa ay AMISOM iyo UNSOM ka caawineysaa in ay noqdan kuwo waxtar badan leh waxaana taas ay horseedeysaa in gebi ahaanba meesha laga saaro awoodda Al Shabaab ay leedahay, In boos aad loogu baahnaa loo sameeyo dib uu heshiisin siyaasadeed, dhismaha dowladeed iyo sidoo kale in la ballaariyo maamulka dowladda oo la gaarsiiyo qeybaha kale ee waddanka Soomaaliya.

Ciidamo AMISOM oo waxtar badan leh haaystana tageero xoogan oo dhanka saada ah ayaa waxaa ay uu horseedeysaa in ay noqdan kuwo firfircoon, in waddooyin loo baneeyo bixinta cunooyinka iyo waxa lamidka ah iyo sidoo kale in bulshada qeybteeda nugul ay helaan gargaar bani’aadannimo, sare uu qaadida fursadaha hawlaha ganacsiga iyo sidoo kale taageerida dadaalada nabadda iyo ammaanka loogu soo dabaalayo waddanka Soomaaliya. Hawlgallada ayaa noqon doonaa kuwo lais kala xisaabtami doono si loo hubiyo in loo hoggaansamay  HRDDP, Yaraynta fursadaha SEA iyo in sare loo qaado ilaalinta dadka rayidka ah.

UNSOM oo si fiican loo taageero ayaa waxaa ay sahleysaa in si weyn oo qooto dheer ah laisku dhexgalo islamarkaasina laisku kaashado si looga mira dhaliyo hadafka dowladda Soomaaliya ee sannadii 2016-ka iyo sidoo kale samaynta hay’addo dowladeed oo caga buuxa ku taagan.