UNSOS
Published on UNSOS (https://unsos.unmissions.org)

Hoy > Xoghayaha-Guud - Fariin Ku Saabsan Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka

Xoghayaha-Guud - Fariin Ku Saabsan Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka [1]

8 Mar 2023

Xoghayaha-Guud - Fariin Ku Saabsan Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waxaan u dabaaldagnaa guulaha ay gaareen haweenka iyo gabdhaha ee dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha, dhammaan geesaha adduunka.

Laakiin waxaan sidoo kale aqoonsannahay caqabadaha waaweyn ee ay wajahayaan - laga soo bilaabo caddaalad-darrada, takoorid, iyo gacan-ka-hadal, ilaa xasaradaha oo u saameeya sida ugu xun, ilaa loo diido madax-bannaanidooda shakhsi ahaaneed iyo xuquuqda jidhkooda iyo noloshooda.

Takoorka ku saleysan jinsiga wuxuu dhib u geystaa qof walba - haweenka, gabdhaha, ragga, iyo wiilasha.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waa baaq waxqabad.

Tallaabo lagu garab istaago haweenka dalbanaya xuquuqdooda aasaasiga ah oo qiimo weyn ku leh shakhsi ahaantooda.

Tallaabada lagu xoojinayo ka-hortagga galmada xooga ah iyo xadgudubka galmada.

Iyo ficil lagu dardargelinayo ka-qaybgalka buuxa ee haweenka ee hoggaaminta.

Mawduuca sanadkan wuxuu xooga saarayaa baahida loo qabo tignoolajiyada iyo hal-abuurka si loo horumariyo sinnaanta jinsiga.

Tiknoolajiyadu waxay ballaarin kartaa waddooyinka waxbarashada iyo fursadaha haweenka iyo gabdhaha.

Laakiin sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa in lagu kordhiyo xadgudubka iyo nacaybka.

Maanta, haweenku waxay ka hooseeyaan saddex meelood meel ka mid ah xoogga shaqada ee sayniska, tignoolajiyada, injineernimada, iyo xisaabta.

marka dumarka ay ku yar yihiin soo saarista tignoolajiyada cusub, waxaa markaaba laga yaabaa inuu ku bilawdo takoor.

Taasi waa sababta ay tahay inaan xirno kala qaybinta dhijitaalka ah oo aan kordhinno matalaadda haweenka iyo gabdhaha ee sayniska iyo tignoolajiyada.

Ka-reebista haweenka ee adduunka dhijitaalka ah ayaa lumisey qiyaastii $1 trilliyon GDP-ga waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah tobankii sano ee la soo dhaafay – khasaarahaas oo gaari doona  ilaa $ 1.5 tiriliyan 2025 hadii aan wax laga qaban.

Maalgelinta haweenka waxay kor u qaadaa dhammaan dadka, bulshooyinka, iyo dalalka.

Aan ka wada shaqayno – dhamaan dawladaha, qaybaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah – si aan u dhisno duni loo wada dhan yahay, cadaalad ah, oo barwaaqo u ah haweenka, gabdhaha, ragga iyo wiilasha meel kasta oo ay joogaan.

  •  [2]Maalinta Caalamiga Ah Ee Wacyigelinta Miinooyinka, Qaramada Midoobey Waxey Dib-Uxaqiijineysaa Ka Go’naansheheeda Ah In La Helo Soomaaliya Ka Madax Banaan Miinooyinka [2]Maalinta Caalamiga Ah Ee Wacyigelinta Miinooyinka, Qaramada Midoobey Waxey Dib-Uxaqiijineysaa Ka Go’naansheheeda Ah In La Helo Soomaaliya Ka Madax Banaan Miinooyinka [2]
  •  [3]UNSOS Iyo ATMIS Oo Barkin Cusub Oo Baabuurta Ah Ka Dhisey Garoonka Caalamiga Ah Ee Aden Cabdule Ee Magaalada Muqdisho [3]UNSOS Iyo ATMIS Oo Barkin Cusub Oo Baabuurta Ah Ka Dhisey Garoonka Caalamiga Ah Ee Aden Cabdule Ee Magaalada Muqdisho [3]

Source URL: https://unsos.unmissions.org/so/xoghayaha-guud-fariin-ku-saabsan-maalinta-caalamiga-ah-ee-haweenka

Links
[1] https://unsos.unmissions.org/so/xoghayaha-guud-fariin-ku-saabsan-maalinta-caalamiga-ah-ee-haweenka
[2] https://unsos.unmissions.org/so/maalinta-caalamiga-ah-ee-wacyigelinta-miinooyinka-qaramada-midoobey-waxey-dib-uxaqiijineysaa-ka-go
[3] https://unsos.unmissions.org/so/unsos-iyo-atmis-oo-barkin-cusub-oo-baabuurta-ah-ka-dhisey-garoonka-caalamiga-ah-ee-aden-cabdule-ee