UNSOS
Published on UNSOS (https://unsos.unmissions.org)

Hoy > U baroordiiqaynnaa Marwo Aisa Kirabo Kacyira: Naf loo huray Adeeg iyo Hoggaan

U baroordiiqaynnaa Marwo Aisa Kirabo Kacyira: Naf loo huray Adeeg iyo Hoggaan [1]

12 Aug 2025

U baroordiiqaynnaa Marwo Aisa Kirabo Kacyira: Naf loo huray Adeeg iyo Hoggaan

Waxaan si tiiraanyo leh u shaacinaynnaa geerida Kaaliyihii Xog-Hayaha Guud ee QM, Aisa Kirabo Kacyira, ahaydna Madaxii Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ka dib in muddo ah oo ay xannuunsanayd.

Kaaliyihii Xog-hayaha Guud Kacyira ayaa Hay’adda UNSOS ku hoggaamisay dadaal heer sare iyo aragti, iyadoo uga faa’iidaysay in ka badan 30 sano oo waayo-aragnimo dhinacyada diblomaasiyadda, xukunka, iyo arrimaha banii’aadannimada si ay u taageerto nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxay soo qabatay xilal sarsare oo xukunka iyo adeeg caalami isugu jiray, waxayna ku caan baxday laguna qaddarin jiray sharafkeeda, hoggaankeeda dad isku-wadka lahaa, iyo sida ay uga go’nayd wada-hadallada dhinacyada badan leh.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskeeda, bahda UN, AUSSOM, iyo bahwadaagta Soomaalida iyo Caalamiga isugu jira iyo saaxiibbadii ay shaqo wadaagta ku ahaayeen adduunka dacalladiisa. Waxaan maamuusaynnaa dhaxalkeedii adeegga iyo naxariista lahaa, waxaana sii ambaqaadi doonnaa aragtideedii ay ku taageeri jiray Soomaaliya.

Ruuxdeeda ha ku nasato nabad aan dhammaad lahayn.

Article type

Wararka [2]
Wararka Xalinta Hawlaha [3]
  •  [4] UNSOS oo iskaashi la yeelatay jaamacado Soomaaliyeed si ay u tababarto u dhaqdhaqaaqayaasha deegaanka ee mustaqbalka [4]Awood-siinta dhallinyarada, ilaalinta dhulka: UNSOS oo iskaashi la yeelatay jaamacado Soomaaliyeed si ay u tababarto u dhaqdhaqaaqayaasha deegaanka ee mustaqbalka [4]

Source URL: https://unsos.unmissions.org/so/u-baroordiiqaynnaa-marwo-aisa-kirabo-kacyira-naf-loo-huray-adeeg-iyo-hoggaan

Links
[1] https://unsos.unmissions.org/so/u-baroordiiqaynnaa-marwo-aisa-kirabo-kacyira-naf-loo-huray-adeeg-iyo-hoggaan
[2] https://unsos.unmissions.org/so/wararka
[3] https://unsos.unmissions.org/so/wararka-xalinta-hawlaha
[4] https://unsos.unmissions.org/so/awood-siinta-dhallinyarada-ilaalinta-dhulka-unsos-oo-iskaashi-la-yeelatay-jaamacado-soomaaliyeed-si